Qayla dhaan ka soo yeertay dadka ku dhaqan degaanada hoos taga degmada Walaweyn.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo warramayaa in Afar Caruur ah ay macluul ugu geeriyoodeen degaanka Cadey-dheere oo ka tirsan Degmada Walaweyn ee Gobalka Sh/ Hoose, taasoo keentay abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta deegaanno ka tirsan G/Sh/ Hoose, iyadoo tiro intaa ka badan ay la il daran yihiin gaajo iyo haraad.

Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee degaanka Cadeydheere ee hoos tagta Degmada Walaweyn ayaa Warbaahinta u sheegay in degaanka Cadeydheere  ay 4 caruur ah ugu geeriyoodeen gaajo iyo haraad,  kadib markii ay biyo ka waayeen ceel ay dadka degaanka ka cabi jireen.

Sidoo kale Odoyaasha degaanka waxay sheegeen in dadka intii heli karta ay cabayaan biyo lagu soo dhaamiyay Booyad  iyadoo Fuusatii lagu iibinayo lacag dhan 70 kun oo Shilin Soomaali ah, taas oo  dadka badankii aysan awoodin in ay iibsadan biyahaas lagu keenayo Booyadaha.

Hase yeeshee qayla  dhaanta ka soo yeertay dadka ku dhaqan degaanka Cadey-dheere ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka ka dhalinaya abaarta daba dheeratay ee wadanka jirta ee dadka iyo duunyada Saameysay iyo gar gaar la’aanta haysata shacabka ku tabaaloobay abaarta.

SomaliSwiss    Walaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: