Dhallinyaro fara badan oo kasoo baxsatay gacanta Al-Shabaab, dagaalladii Jubooyinka, Gedo iyo magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa mudooyinkan dambe ku howlaneyd olole ballaaran oo gobolada dalka Soomaaliya ay uga qafaalayeen Dhalinyaro aad u da’yar, iyagoo hadda sidoo kale bilaabay in ay qafaalaan odayaal.

Labadii sano ee lasoo dhaafay Al-Shabaab waxaa ay si isdaba joog ah oo aan qaris lahayn u qafaalayeen caruur aad u yar yar oo qaarkood laga kaxeystay iyagoo dhiganaya dugsiyada quraanka iyo Iskuulada, labadii todobaad ee lasoo dhaafayna waxaa isa soo tarayay qaylo dhaan kasoo yeeraysa dadka da’da ah ama odayasha oo ay hadda ku bilaabeen qafaal, kadib markii ay dagaal ballaaran wada galeen iyaga iyo dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaysa ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Dhallinyarada ay qafaaleen oo intooda badan ah ilmo aan qaangaarin ayaa si joogta ah ugu dhinta dagaallada ay wadaan kooxda Al-Shabaab, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmaan, kadibna Isbitaalada looga dhex tago.

Si kasta ha ahaatee, waxaa aad u yar, dadka nasiibka u hela in ay kasoo fakadaan, iyadoo inta badan ay soo bad baadaan tiro yar oo kamid ah dhallinyaradaas la qafaashay, dhalinyaro fara kutiris ah oo kasoo fakaday ayaa xaqiijiyey in dhabarka laga toogto qofkii loo fahmo inuu baxsanayo.

Wariyeyaal katirsan SomaliSwiss ayay u suurta gashay in ay xog wareysi hoose layeeshaan 8 dhallinyaro oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga soo fakaday kooxda Al-Shabaab, kadib markii xarakadu ku jabtay dagaallo ay ciidamo katirsan dowladda KMG  iyo uruka Ahlu Sunna ku wada galeen, gobollada Jubooyinka iyo Gedo,  gaar ahaan magaalooyinka ku teedsan xuduudka Kenya iyo Ethiopia oo ay kamid yihiin Afmadow iyo Buula Xaawo.

Dhallinyaradaas soo  baxsatay oo hadda ku sugan meelo kala duwan oo Gobollada koofurta Soomaaliya kamid ah ayaa wariyeyaasha SomaliSwiss waxaa u suurta gashay in ay ka qaadaan wareysiyo kala duwan, iyagoo shegay in loola dhaqmay si ka baxsan dhaqanka Islaamka iyo kan banii’aadannimadaba.

Qaar kamid ah dhallinyaradaas ayaa wariyeyaasha SomaliSwiss tusiyay documents kala duwan, sida Sawiro, cajalado video ah oo sida ay sheegeen markii xarakada looga adkaaday meelihii ay haysteen, sidaasna iyaga ugu suurta gashay in ay helaan qeybo kamid ah, hase yeeshee Shabakadda SomaliSwiss ma daabaceyso document-yadaas badankood maadaama ay yihiin kuwa aan anshaxa ku wanaagsaneyn.

Wariyeyaasha SomaliSwiss waxay kagaabsanayaan in ay daabacaan magacyada dhallinyaradaas oo 7 ka mid ah ilaa iyo hadda ay ku sugan yihiin meelo aan amaankooda laysku halayn karin, hase yeeshee waxaan idiin soo bandhigaynaa qaar kamid ah sawirrada muujinaya waxyaabaha ay la kulmayeen dhallinyaradaas, markii tababarada lasii nayay iyo intii laheystayba.

Aadan C/weli oo 16 jir ah kana mid ahaa Dhalinyaradaas Al-Shabaab ay kasoo qafaashay  gobolada koonfureed ayaa maanta isu dhiibay dowladda KMG Soomaaliya, halka 7-da kale ay ku sugan yihiin magaalooyin kamid ah koonfurta Soomaaliya oo aanan magacooda sheegeyn, sababo la xiriira ammaanka dhalinyaradaasi.

Warar kale oo arintan ku saabsan iyo dokumentiyo kale oo sir ah kala soco goordhow Shabakadda SomaliSwiss.

SomaliSwiss Muqdisho / Gedo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: