Roobab lagu diirsaday oo ka da‘ay Degmada Baardheere iyo Nawaaxigeeda.

Halkaan ka akhri

Dadweynaha ku dhaqan degmada Baardheere iyo Nawaaxigeeda ayaa lagu soo warramayaa inay ka da’een roobab ay ku diirsadeen dadka ku yaala deegaankaas.

Sida lagu soo sheegay  roobabka ayaa waxaa maanta ay ka da’een magaalada Baardheere iyo deegaano ku hareereesan ee gobalka Gedo, waxaana aad u soo dhaweeyay bulshada ku nool halkaas.

Sidoo kale degmada Baardheere ayaa  mudooyinkii u dambeeyayba ka jira xaalado aad u adag oo biyo la’aan ay ugu daran tahay, waxaana saameen daran ku yeesheen xaaladahaas nolosha dadka.

Dadka iyo duunyada ku dhaqan degmada Baardheere iyo deegaano ka tirsan ee gobalka Gedo ayaa aad ugu farxay roobabka yar ee ay heleen.

Hase yeeshee waxaa mudooyinkan dambe jiray qeylo dhaan xoogan ka soo yeerayay deegaano fara badan oo ka tirsan gobalada dalka, ka dib markii roobabka waqtigooda aad ay u soo daaheen.

Dhanka kale Abaaraha ka jira gobalada ayaa wali dadka iyo duunyada ay kala kulmaya dhibaatada keentay abaarahaas, iyadoo  dadka intiisa badan aan helin gargaarka ay u baahan yihiin.

SomaliSwiss Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: