Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waabarigii saakay ayaa waxay Dagaalo ka dhaceen deegaanada Waqooyiga Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyay ay dagaalada wa-xoogaa ka yaraadeen, inkastoo dagaalada xoogooda u badnaayeen deegaanada Koofureed sida Hodan, Howlwadaag iyo Dayniile.

Subaxnimadii Waqtiga salaada Subax ayaa la sheegay in Dagaalada ay ka dhacayeen aagaga degmooyin Yaaqshiid, Karaan iyo Huruwaa, waxaana  daafaha magaalada Muqdisho laga maqlayey hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha boobayaasha iyo kuwa madaafiicda.

Sida lagu soo warramay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraro kula soo dheelmaday aagaga degmada C/casiis kaga sugnaayeen Ciidamada Dowladda oo wehliya kuwa AMISOM, iyadoo dagaalkaas ay socdeen muddo 30 daqiiqadood ah.

Hase yeeshee Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen, Xarakada Al-Shabaab, weerarkaasna ay ku qabteen ilaa lix ruux oo uu tilmaamay inay ahaayeen caruur da’yar ah oo lagu soo qasbay inay dagaal galaan.

Sidoo kale Maxamed Axmed oo ah Sarkaalka u hadlay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan dhalinyaradaas oo ay ka qabteen Xaruntii taraafikada Fisha Bra iyo Howlaha Guud.

Dhanka kale dagaalkii saaka ayaa ahaa mid koobnaa oo qeyb ka ah dagaalada looga bartay Caasimada Muqdisho inay dhacaan xilliyada waabariga, iyadoo shalay aheyd dagaalo saacado badan socday ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Hodan.

Si kasta ha ahaatee ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha dagaalkii saaka dhacay, hase ahatee goobaha dagaalada ka dhaceen ee Waqooyiga ayaa ah kuwo markii hore ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa, inkastoo mararka qaar ay dhacdo madaafiicda iyo rasaasta hawbowga ay gaarto goobaha dadka rayidka u badan yihiin ee deriska la ah degmooyinka lagu dagaalamayo.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: