Sarkaal ka tirsan dowladda Burundi oo sheegay in dowladiisu ay ciidamo dheeraad ah usoo dirtay dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ka soo degayey diyaarado sida ciidamo ka tirsan Dalka Burundi oo tiradoodu gaareyso ilaa 1000 Askari.

Sida lagu soo warramay imaatinka ciidamadaasi ayaa ahaa qarsoodi, waxaana sarkaal ka tirsan dowladda Burundi oo u waramayay wakaaladda wararka AP wuxuu sheegay in dowladiisu ciidamo dheeraad ah u dirtay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku biiraya ciidamadii horay u joogay magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo Sarkaalkan uu sheegay in ciidamada cusub ee la keenay Soomaaliya ayaa ah ciidamada ka tirsan Komandooska oo sida gaarka ah ugu tababaran howlgalada laga fulinayo meelaha aadka khatarta u ah.

Hase yeeshee Sarkaalkan ayaa sheegay ciidamada dheeraadka ah ee yimid Soomaaliya ay qeyb ka yihiin ilaa afar kun Askari oo dowladda KMG ka codsatay Beesha Caalamka, waana qeybtii ugu horeysay oo soo gaaray dalka Soomaaliya.

Sidoo kale sarkaalku wuxuu caddeeyay in dowladda Burundi ay ka mid tahay dowladaha gobolka ee u istaagay sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabadda iyo kala dambeynta.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: