Saan-saan colaadeed oo maanta laga dareemayo G/Hiiraan, gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda laga dareemayo duleedyada Magaaladaas, sidaa waxaa laga soo xigtay dadka deegaanka oo cabsi xoogan ka muujinayaan dagaalo xilligan loo maleeyo inuu ka qarxo guud ahaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Baladweyne.

waxaa la sheegayaa in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ay soo buux dhaafiiyeen duleedyada Magaalada Baladweyne, si mar kale ugu qaadaan duulaan labaad, kadib markii horay ugu fashilmeen weerarkii ay ku qaadeen duleedka Baladweyne.

Dhanka kale Ciidamo taabacsan Al-Shabaab ayaa dhankooda ka wada gudaha magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda dhaq dhaqaaqyo la mid ah midka ay wadaan Ciidamada Dowladda, si ay uga hortagaan duulaanka ay ku soo yihiin.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay in ay jiraan Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya iyaga iyo al shabaab ayna Doonayaan ciidamada Dowladdu in ay Dagaal ku qaadaan Meelaha ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Hase yeeshee Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii dagaalo culus ay ka dhaceen Buurta-qowleed iyo deegaano kale oo dhanka waqooyi ka dhaca Magaalada Baladweyne, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Warar ayaa sheegaya in Fariisimaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaanka Kala Beyr oo ay kula wehliyaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa mudooyinkii u dambeeyay aheyd halka ay ka soo hub qaadanayeen, hase ahaatee abaabulkooda dagaal ayaa ka badan waayay inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baladweyne oo ilaa 15-KM u jira magaaladaas.

SomaliSwiss   Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: