Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee ay leeyihiin ciidamada Kenya oo dul-heehaabaya xadka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Degmooyinka ku yaala Xuduuda ay Soomaaliya la leedahay dalka Kenya ayaa la sheegayaa in diyaarado ay leeyihiin Ciidamada dowladda Kenya dul heehaabaya dhulka Xuduuda ah, waxaana ciidamo badan la soo dhoobay Xuduuda Kenya ee dhinaca deegaanka Diif ee ay shalay dagaallo xooggan ka dhaceen.

Sidoo kale wararka laga helayo Xadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan deegaanka Diif iyo degmada Dhoobleey oo Xad la leh dalka Kenya ayaa sheegaya in diyaarado Helikoptar ah oo ay leedahay dowladda Kenya ay dulheehaabayaan Hawada degaanadaasi.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamo farabadan oo Keenyaati ah oo wata Taangiyo iyo gaadiid dagaal ay xireen gabi ahaamba Xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya, waxaana arrintaasi ay saamayn balaaran ku yeelatay dadka iyo gadiidkii isaga kala gowshi jiray Xadka oo la xiray.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in maanta ay degan tahay xaaladda deegaanka Diif oo shalay ilaa iyo xalay  ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Raaskambooni, iyadoo deegaanka Diif ee gobolka Jubada hoose ay gacanta ku hayaan ciidamada Ururka Raaskambooni.

Dadka ku sugan deegaanka Diif ayaa waxaa ay hadal hayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee  dul heehaabaya hawada deegaankaasi, waxaana arrintaani lagu tilmaamay inay ka dambeeysay kadib dagaal deegaanka Diif ku dhexmaray ciidamada Ururka Raaskambooni iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

SomaliSwiss   Badhaadhe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: