Halkaan ka akhri
Ergayga Dalka isku tagga Imaaradka Carabta u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geystaan wax ka qabaashada arrimaha Soomaaliya si loo soo celiyo amaanka iyo xasiloonida.
Axmed Al-Jarman oo ah Safiirka dawladda isku tagga imaaraadka Carabta u fadhiya QM oo saxaafadda kula hadlayey magaalada New York ayaa sheegay inay muhiim tahay in caalamku u istaago wax ka qabashada amni xumida Soomaaliya ka jirta si nabada wadanka loogu soo celiyo waxaana uu sidoo kale sheegay in Soomaalida laga gacan siiyo sidii lagu heli lahaa xal siyaasadeed oodhameys tiran.
Sidoo kale Ergaygu wuxuu sheegay in Soomaliya u baahan tahay in loo helo xal buuxa waxaana uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin nabad iyo xasilooni si dhibaatada looga baxo.
Al Sayid Axmed Al-Jamran oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waa muhiim in Soomaaliya xal loo helo waayo muddo badan ayay colaadi ka jirto waana muhiim in laga shaqeeyo taageerida nabada Soomaaliya” wuxuuna intaa ku daray in dawladiisu taageersan tahay dawlada KMGS iyo dadaalka dunida ugu jirto wax ka qabashada amaan darida Soomaaliya ka jirta.
Sida laga warqabi dalka isku taga Imaaraadka ayaa waxay ka mid tahay wadamada sida weyn u taageera isla markaana xiriirka la leh dawlada KMG ah ee Soomaaliya, kuna dadaala sidii Soomaaliya uga dhalan lahayd Dowlad soo celisa ammaanka iyo kala dambaynta.
SomaliSwiss New York
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.