Ra’isal wasaare Max’ed C/llaahi Farmaajo oo beesha caalamka ka codsaday in Soomaaliya la keeno 4,000 ciidan Nabad ilaaliyaal ah.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed  Farmaajo oo  hadal ka jeediyay kulanka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York ayaa codsaday in dalka Soomaaliya la keeno 4,000 oo askari nabad ilaalaalayaal ah oo wax ka qabta amni xumida Soomaaliya ka jirta waxaana uu sheegay in taasi keeni karto in arrimaha Soomaaliya xal loo helo.

Sidoo kale R/wasaaruhu wuxuu sheegay in dawlada KMGS ay guulo wax ku ool ah ka gaartay Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray inay dagaal kula jiraan labo cadow oo uu ku macneeyay Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo dawlada dagaal kula jirta iyo kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin isticmaalka biyaha Soomaaliya ku teedsan.

R/wasaaraha dawlada KMGS Max’ed C/llahu Max’ed  Farmaajo wuxuu shaaca ka qaaday in kordhinta ciidamada nabad illaalinta ah ee Soomaaliya jooga ay xoojineyso awooda dawlada oo haatan dadaal xoogan ugu jirta sidii ay amniga wadanka Soomaaliya gacanta ugu dhigi laheyd.

R/wasaare Farmaajo oo hadalkiisa sii wato wuxuu Yiri: “Waxaan ku jirnaa dagaal labo dhinac ah waa mide waa kan aanu kula jiro Al-Shabab iyo burcad badeeda marka waxaan u baahanahay in ciidamada Soomaaliya jooga lagu xoojiyo 4,000 oo askari oo dheeraad ah ”.

Hase yeeshee R/wasaaruhu wuxuu sheegay in dawladu ay dadaal ugu jirto xasilinta dalka isla markaana ay dhinaca kale ka wado sidii loo sixi lahaa dastuurka qabyada ah, loogana dhaadhicin lahaa dadweynaha Soomaaliyeed sidii  dalku u yeelan lahaa Dastuur la isku waafaqsab yahay.

Sida la wada ogsoon yahay Midawga Africa ayaa waxaa  Soomaaliya  ka jooga 8,000 oo askari, kuwaasoo dawlada ka caawiya dagaalada ay kula jirto Xarakadda Al-Shabab oo si weyn uga biyo diidan siyaasadda dawladda iyo joogitaan Ciidamada AMISOM.

SomaliSwiss  New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: