Ra’isal wasaare Maxamed Farmaajo oo sheegay in doorashooyinka soo socda la kala qaban doono bisha 7-aad iyo 8-aad ee Sanadkan.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday xiliga ay dhacayaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah.

Ra’isul wasaare Farmaajo oo ka hadlayey shir aan caadi aheyn oo golaha ammaanka uu ka yeeshay amuuraha Soomaaliya, ayaa sheegay in bisha 7aad ee sanadkan 2011-ka ay dhici doonaan doorashooyinka guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in bisha ku xigta ee 8aad ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha dowladda KMG ah, isagoona carrabka ku adkeeyey in xiliga dowladda KMG ah uu ku egyahay isla bishaas.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in waqti la siiyo dowladda cusub ee iman doonta, taasoo laga doonayo dhameystirka dastuurka iyo qaban qaabinta doorashooyinka, sida uu sheegay.

Ra’isul wasaare Farmajo ayaa sheegay in dowladiisu ay guulo ka gaartay dagaaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay, isagoona intaas ku daray in ay dhici karto inay iskaashi yeeshaan Al-Shabaab iyo burcad badeeda, wuxuuna beesha caalamka ka dalbaday in taageero loo fidiyo dowladda KMG ah.

Hadalka Ra’siul wasaaraha ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan baarlamaanka KMG ah uu 3 sano ku darsaday waqtigii uu jiri lahaa, waxaana arintaasi ka hor yimid beesha caalamka, iyadoo khilaafna  ka dhex dhalisay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: