Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo shalay Danjire Mahiga ku qaabilay Villa Baydhabo.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya Sheikh Sharif. Sh. Axmed ayaa shalay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahiga ku qaabilay Villa Baydhabo.

Ergayga iyo wafdigiisa balaaran  ayaa la sheegay in Ujeeddada booqashada ay la xiriirto muujiyaan taageerada buuxda ee ay Qaramada Midoobay u hayaan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo guulaha laga gaaray sugidda amniga dalka.

Sidoo kale Ergayga gaarka ah wuxuu sheegay in uu la yaabay dhulka baaxada weyn uu Madaxweynaha shalay lugta ku maray mudo afar saac ah, mar uu booqasho Madaxweynuhu ugu tagey ciidamada jiidda hore.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ayaa waxaa ay ka wada- hadleen xilliga kala guurka ah, haylka dowladeed ee Soomaaliya yeelanayso kaddib Agosto 2011 iyo muddada saddexda sano ah ee Barlamaanka kororsaday taas oo Ambassadorku  uu walaac- weyn ka muujiyay.

Hase yeeshee  Mahiga ayaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed u sheeegay in bulshada caalamka taageersan tahay howl galka dowlada iyo AMISOM ka wadaan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: