Dhulgariir aad u xoogan oo ku dhuftey magaalada Tokyo ee dalka Japan, iyo wadamo kale oo laga cabsi qabo in uu u gudbo.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Halkaan ka akhri

Dhul gariir kii ugu xooganaa oo awoodiisa ay tahay 8.9, ayaa saakay ku dhuftay xeebaha waqooyi galbeed ee wadanka Japan.

waxaa lagu waramayaa in dhulgariirka uu isu bedelayo Sunaami.

Dhul gariirkan ayaa guryaha waaweyn ee magaalada Tokyo  aad u gilgiley, halka qaarkood ay burbureen, dadweynaha kasoo baxey guryahooda ayaa dhoobtay wadooyinka waaweyn.
Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa sheegtay in dhulgariirka uu u muuqdo mid isu badaley Tsunami, sidoo kale waxey sheegeen iney jirto dhibaato baahsan oo isugu jirta mid nafeed iyo mid maaliyadeed, iyadoo dhimashada ilaa iyo iminka ay mareyso 32 qof dhaawacbadan uu jiro 300 oo guri ayaa la sheegay in ay burbureen, in kastoo aan xiligan laga warbixin karin khasaaraha dhabta ah ee uu sababey dhulgariirka.
Saxafi u dhashey Japan oo u waramayey channel-ka Aljazeera ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay jiraan, iyadoo dad badan ay dhinteen qaar kalana ay dhaawacmeen, halka guryana ay burbureen.
Sidoo kale waxaa la xiray garoonka dayaaradaha ee ku yaala dhanka waqooyi ee dalka Japan.
Xaaladda ayaa ah mid laga deyrinayo, iyadoo laga yaabo iney dhibaatadu ay sii korodho.
Dhulgariirkan ayaa ah kii uggu horeeyey ee lagu arko dalkaasi muddo dhan 140 sano, wuxuuna saameeyey 395km square ah. Buundooyoinka ayaa burburey halka magaalooyin badanna ay gubanayaan.
Xiriirka dhanka isgaarsiinta ee magaaladaas ayaan shaqeyneyn, kadib markii ay burburtey xaruntii isgaarsiinta.
Dowladda Japan ayaa sheegtay ciidamo iyo qeybo kale, si ay ugga qeyb qaataan gurmadka dadweynaha waxyeelada soo gaartey, sidoo kale waxey xirtay xarumihii Nuclier-ka kadib markii la sheegay in ay uu qeyb ka yahay waxyaabaha dhaliyay dhulgariirka, wadooyinka iyo holwha tareenada ayaa guud ahaan joogsaday.
Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale diyaarisey soddon koox oo ay u direyso dalka Japan, si ay ugga qeyb qaataan dadaalka lagu badbaadinayo dadka ay musiibada gaartey.
Wakaaladda wararka Mareykanka AP ayaa sheegtay iney jirto cabsi kusaabsan in Sunami ay ku dhufato gobolada California, Oregon iyo Alaska, taasoo daba socota Sunamiga ku dhufatey xeebaha Japan.
Sidoo kale, waxaa la saadaalinayaa in dhul gariirkan uu u gudbo wadamada Indonesia, Taiwan iyo wadama kale oo deris la ah.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: