Ban Ki-Moon oo sheegay in ahmiyad gaar ah la siiyo hawl galka AMISOM iyo ciidanka dawlada Somaliya.

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-Moon  ayaa kulanka Golaha Ammaanka ee QM ee maanta ka furmay New York, loogana hadlayo arrimaha wadanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in indho gaar ah lagu eego arrimaha amaanka, siyaasadda iyo bini’aadanimada ka jira dalkaSoomaaliya.

Ban ki-Moon  ayaa sheegay inay muhiim tahay in ahmiyad gaar ah la siiyo hawl galka ciidamada Midawga Africa ee AMISOM iyo Ciidamada dawlada KMG Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo guulo uu sheegay inay dawlada iyo AMISOM ka gaareen dagaaladii Soomaaliya ka dhacay sida uu sheegay waxaana uu hoosta ka xariiqay inay qasab tahay in dhanka bini’aadanimada si gaar ah loola socdo.

Banki Moon ayaa u sheegay 15 ka xubnood in wadamada beesha caalamka looga fadhiyo inay ka dhabeeyaan balan qaadayada ay dawlada u fidiyaan si u suuro gasho in dawladu wax ka qabato amni xumida.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,  waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha burcad badeeda Soomaalida oo uu walaac xoogan ka muujiyay asagoona sheegay inay tahay arrin kale oo iyana muhiim ah.

Gudoomiyaha xilligaan ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ahna safiirka dawlada Shiinaha u fadhiya QM ayaa sheegay in kulankaan uu yahay Lii Byondong mid si gaar ah looga hadlayo arrimaha wadanka Soomaaliya sidoo kalena lagu soo qaaday arrimaha la xiriira waqtigaan kala guurka ee xilligaan Soomaaliya ka jira.

Sida lagu soo warramay Shirkaan ayaa waxaa qadka taleefoonka uga qeyb qaatay wakiilka QM ee arrimaha Augustine Mahiga oo Muqdisho booqasho ku yimid iyo 20 wadan oo arrimaha Soomaaliya daneeya.

SomaliSwiss  New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: