Halkaan ka akhri
Xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ku kulan ku leeyihiin magaalada New York waxaana kulankaas diiradda loogu saarayaa xaaladda ka taagan wadanka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha la xiriira amaanka, Abaaraha iyo burcad badeeda.
Ujeeda Kulankaan ayaa ah sidii lagu taageeri maaliyadeed loogu heli lahaa dawlada KMG Soomaaliya oo dagaalo kula jirta dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab iyo sidii taageero loo siin lahaa ciidamada midawga Africa ee dawlada ku gacan siinaya dagaalada ay Al-Shabab kula jirto
Ergayga dawladaha Shiinaha iyo Ruushka ayaa u jeediyay golaha amniga ee Q.M in la qaado tilaabooyin lagu xoojinayo ciidamada dawlada KMGS iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM si ay u suuro gasho in dawladu ka adkaato mucaaradkeeda.
Sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka ee AFP waxaa kaloo kulankaan lagu soo qaadi doono sidii loo kordhin lahaa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga iyo in laga shaqeeyo nabad soo celinta nabada Soomaaliya iyadoona sidoo kale shirkaan looga hadlayo kaalmeynta dadka Soomaaliyeed eeku taabaaleoobay Abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale Ergayga dawlada Jarmalka u fadhiya Q.M Peter Wittig ayaa sheegay in Midawga Yurub uu gacan weyn ku leeyahay arrimaha Soomaaliya ka taagan gaar ahaan dhanka amniga waxaa.
sida wararku sheegayaan R/wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llahi Max’ed “Farmaajo” oo kulanka maanta ka qeyb galaya ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo waxaana Q,M sheegtay in dagaalada Soomaaliya ka socda mudada 20 sano ka badan ay ku naf waayeen 400,000 halka ay haatan gar gaar bini’aadanimo u baahan yihiin in ka badan 2 million oo ruux oo ay abaaraha iyo dagaaladu saameeyeen.
Si kasra ha ahaatee waxaa kaloo kulankaan looga hadldi doonaa arrimaha wadamada Ivory Coast iyo Libya oo iyana ay dhibaatooyin siyaasadeed ay ka jiraan.
SomaliSwiss New York
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.