Halkaan ka akhri
Safiirka dawlada Shiinaha ee Qaramada Midoobay Lii Bayadong oo saxaafadda kula hadlay magaalada New York ayaa sheegay in xukuumaddiisu ku taagerayso dawlada KMGS soo celinta nabada iyo dib u hishiinta dalka.
Ergayga Shiinaha ayaa sheegay in xukuumaddda Shiinuhu ay dawlada KMG Soomaaliya ka taageayo ka miro dhalinta hanaanka dib u hishinta iyo in la gaaro xal siyaasadeed oo dhameystiran iyadoo aysan meesha ka marneyn dhanka amaanka.
Lii Bayadong oo la kulmay R/wasaaraha Dowladda FKMG Soomaaliya Max’ed C/llahi Max’ed “Farmaajo” ayaa waxaa u tilmaamay inay dhinacooda ka qaadanyaan taageeradda iyo dadaalka beesha caalamku ugu jirto soo celinta nabada Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in kulanka golaha amaanka ee Q,M leeyihiin uu hor dhigayo qorshe looga doodayo wax ka qabashada arrimaha amaan xumo ee Soomaaliya ka jira.
Sidoo kale R/wasaare Farmaajo oo isna hadal ka jeediyay goobtaasi ayaa sheegay inuu ka rajeynayo dawlada Shiinaha inay ka helaan gar istaag dhameystiran si ay Soomaaliya nabad u hesho waxaana R/wasaruhu sheegay inay caalamka ka doonayaan inay dawladiisa gacan qabtaan.
Sida la wada ogsoon yahay Dawlada Shiinaha ayaa waxay ka mid tahay dawlada saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya iyadooa dalka Soomaaliya ka sameeyay intii ay jirtay dawladii dhexe ee Kacaanka dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss New York
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.