Halkaan ka akhri
Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka, sida la sheegay ujeedada socdaalka Ra’iisil-wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shir looga hadlaayo xaaladda muragsan ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Wafdiga ra’iisul-wasaaraha ayaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan kulan uu  soo qaban qaabiyay Golaha Ammaanka ee Q/midoobay oo looga hadli doono arrimaha ku soo kordhay xaaladda dalka Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada midoobay Xuseen Cilmi Ducaale  oo ka mid ahaa mas’uliyiintii  soo dhaweeyey wafdiga Ra’iisl-wasaaraha ayaa sheegay inuu kulamo la yeelan doono masuuliyiin caalamka ka tirsan, ka hor inta uusan furmin shirka Golaha ammaanka maalinta Khamiista ah.
Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dalka Maraykanka Abuukar Cabdi Carmaan  ayaa sheegay in R/wasaare Farmaajo uu khudbad ka jeedin doono manta kulan aragtiyo kala duwan la isku weydaarsanayo oo ay ka qayb galayaan siyaasiyiin caan ka ah dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss New York
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.