Taliska ciidamada AMISOM oo saxaafadda tusay fariisimihii ay kala wareegeen Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta saxufiyiinta geeyay qaar ka mid ah jiidaha hore ee dagaalka ee magaalada Muqdisho, iyagoo dhinaca kale sheegay inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

Gashaanle Bariijiya Bahuuku oo ah Afhayeenka ciidamada AMISOM oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta waxaa ay koox wariyeyaal ah geeyeen Jiida hore ee dagaalka, waxaana goobaha ay saxaafadda u soo bandhigeen ka mid ahaa Carwadii hore ee Qaranka, wadada shaqaalaha iyo xaafadda Siigaale ee degmada Hodan iyagoo saraakiishaasi tusay saxaafadda fariisimooyin ay sheegeen inay kala wareegeen Xarakada Al Shabaab.

 

Afhayeenka AMISOM ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maalinba maalinta ka dambeysa  ay ciidamada AMISOM ku sii siqayaan fariisimo hor leh oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Al Shabaab, isagoo cadeeyay in ciidamada AMISOM ay sii wadayaan dagaalada ilaa iyo Magaalada Muqdisho ay ka saarayaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

Sidoo kale Gashaanle Bariijiya Bahuuku ayaa wuxuu ku nuux nuuxsaday in %70 ay gacanta ugu jirto magaalada Muqdisho ciidamada AMISOM oo ay kaabayaan  ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Hase yeeshee Gashaanle Bahuuku ayaa wuxuu soo bandhigay ciidamo gaaraya ilaa iyo Kun askari oo dhowaan tababar kusoo qaatay dalka Uganda islamarkaana haatana casharo ku qaadanaya deegaanka Jasiira, isagoo daaha ka qaaday in Muqdisho aysan u joogin dagaal hase ahaatee uu u jeedkooda yahay in ay caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: