Saraakiil Boolis ah oo tababar dibadeed ku soo dhamaystay dalka Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho shalay gelinkii dambe soo gaaray Cidama iyo  saraakiil ka tirsan Ciidamada Boliiska oo tababaro ku soo qaatay deegaanka Miyami oo hoos tagta magaalada Mombasa ee wadanka Kenya.

Sida la sheegay Ciidamadan oo u badnaa Saraakiil ayaa waxay muddo ka badan saddex bilood tababaro ku soo qaateen dalka Kenya,  waxaa la geeyey isla shalay dugsiga tababarka Booliska, waxaana ciidamadaasi oo uu hoggaaminayay Sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi waxayna halkaas kulamo kala duwan la yeesheen  madax ka tirsan ciidamada Boliiska Soomaaliya.

Sidoo kale Saraakiisha tababarada ku soo qaatay deegaanka Miyami ee magaalada Mombasa ayaa la sheegayaa in maalmaha soo socda ay dowladdu howlgelin doonto, waxayna saraakiishaasi oo soo qaatay tababaro gaar ah la filayaa inay maalmaha soo socda ka howlgalaan goobaha ay dowladdu maamusho.

Hase yeeshee  ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo tababaro ku soo qaatay dalka dibadiisa, sidoo kale  warku wuxuu sheegayaa in saraakiishan ay isugu jiraan kuwii hore iyo kuwa cusub, waxayna  si gaar ah u soo qaateen tababar layli Sarkaal oo tayeysan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: