Advertisements

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta soo kormeeray Aagaggii laga qabsaday Xarakada Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Cidiamada Dowladda ayaa manta kormeero ku tagay jiiadaha dagaalka ee Ciidamada Dowladda iyo goobo ay dhowaan dagaalada kula wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Sheikh Shariif uu muddo afar saacadood ku wareegay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley oo fariisimo milateri ku leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

 

Meelihii uu cagta dhigay waxaa ka mid ah Carwadii Qaranka , Warshadii hore ee Cocacola, agagaarka Guriggi hore ee Madaxweyne Aadan Cabdulle (Cadde) iyo Jidka dheer ee Florenza iyo nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.

Sidoo kale Madaxweynuhu oo xirnaa dharka Ciidamada ayaa waxaa kormeerkiisa kula wehliyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur, waxaana hadal uu ka jeediyay furimaha dagaalka Madaxweynuhu oo ku amaanay Ciidamada Dowladda howsha ay hayaan.

Madaxweynaha oo la hadlayey Ciidamada wuxuu yiri “Fursad ayay ii tahay inaan maanta soo booqdo, Ciidamadana waan ku dhiira gelinayaa dadaalka ay galeen, AMISOM waxay qaateen door muhiim ah, Cadawga waa jabay, waxaan leeyahay shacabka gacantooda ayaa loo baahan yahay”.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay gaareen guulo la taaban karo, isagoo ku wargeliyay Ciidamada inta dhiman in maalmaha soo socda ay soo afjaraan.

 

 

 

Hase yeeshee sida ka muuqato xaaladda dagaalka ee Ciidamada Dowladda KMG ayaa waxaa haddan si xoog badan u socda dhaqdhaqaaq milateri iyo guluf dagaal oo xoog leh, waxaana haatan saan saan dagaal laga dareemayo qeybo ka mid ah Gobolada dalka oo Ciidamada Dowladda ay ku sii durgayaan meelo hor leh oo ay ka taliyaanXarakada Al-Shabaab.
 

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: