Xaaladda degmada Baardheere oo la sheegay in ay kacsan tahay, iyadoo dad barakacayaal ahna ay ku dhibaateysan yihiin.

Halkaan ka akhri

War saakay naga soo gaaray magaalada Baardheere ayaa sheegaya in xaaladda magaaladaas  ay kacsan tahay, waayo waxaa dadka soo gaaraya fariimo iyo warar la xiriirada in magaalada Baardheere ku soo food leeyihiin Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ka dagaalamaya gobolka Gedo waxayna sheegeen inay gacanta ku hayaan inta badan degmooyinka gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabid Kaliil oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka go’antahay inay la wareegaan guud ahaan gacan ku haynta gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay in haataan ay la wareegeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka mid yihiin degmooyinka Baladxaawo, Luuq, Garbahaaray, Ceel-waaq iyo Buurdhuube, haddana ay  ciidamada dowladda ay ku wajahanyihiin degmada Baardheere, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Al Shabaab, wuxuuna cadeeyay in Saacadaha soo socda ay la wareegayaan.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabid Kaliil ayaa wuxuu ka hadlay labo nin oo shalay lagu dilay degmada Luuq oo mid ka mid ah uu ahaa xoolo dhaqato, waxaana uu sheegay in ragaasi mid ka mid ah uu ahaa askari horey ugu tirsanaa ciidamada dowladda oo ku biiray Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in cid waliba oo ka tirsaneyd dowladda haatan ka mid ay Shabaab hadii gacanta lagu dhigo ay dili doonaan.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalmihii u dambeeyay waxaa gobolka Gedo ka soconayay dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ahlu Sunna iyo Xarakada Shabaab, iyadoo degmooyinka badan oo ka mid ah gobolkaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in  Qoysas farabadan oo ka barakacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay ay haatan ay ku dhibaataysan yihiin degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhamaan qoysaskan ayaa ah dad reer Miyiga ah oo isugu jira Xoolo dhaqato iyo Beeralay islamarkaana kasoo barakacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay ayaa xiligaan waxaa ay ka cabanyaan dhibaatooyin dhinaca nolosha ah iyo abaaro xoogan oo ku hasta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida uu sheegay Oday ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah oo haatan gaaray demada Baardheere ee gobolka Gedo inay soo wajaheen daruufo nololeed oo aad u xoogan oo isugu jira haraad iyo gaajo, waxaana uu sheegay qoysaska barkaacayaasha tiradoodu ay gaarayso boqol qoys, hase yeeshee odaygan wuxuu ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay indha naxariis leh kusoo eegaan oo ay gar gaaraan.

Si kasta ha ahaatee dhibaatada iyo cabashada ka soo yeersay qoysaska barkaacyaasha ah ayaa waxay ku soo beegmayaan xili ay goboladaas ka jiraan colaado iyo abaaro xoogan oo samayn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

SomaliSwiss  Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: