Sheikh Cumar Faaruuq oo Maanta ku geeriyooday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Halkaan ka akhri

Allaha u naxariistee waxaa maanta salaadii duhur kadib Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku geeriyooday Sheikh Cumar Faaruuq Cabdi Suldaan oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyed kuwa ugu waa weyn, Marxuumku wuxuu magaalada barakeysan  ku noolaa in muddo ah, halkaas oo ku fidinayay Diinta Islaamka.
Sidoo kale Sheikhu wuxuu caan ku ahaa fidinta Diinta Islaamka, waxaana cilmigiisa ka faa’ideysteen dad badan oo Muslim ah, waxaana si gaar ah lagu xusuusan doonaa Tafsiirka quraanka Kariimka oo si weyn uga aqrin jiray Masaajidada.

Allaha u naxariistee Marxuum Sheikh Cumar Faaruuq ayaa lagu xasuusan doonaa sida uu mar walba uga hadli jiray xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo xaaladaha dhibaatada ee uu soo maray, isagoo markii u dambeysay ka hadlay dagaalada diinta ku saleysan ee Soomaaliya ka socda oo uu ku sifeeyay dagaal fidno ah oo aan diin iyo Jihaad midna aheyn.

Sheekh Cumar Faaruuq waxaa kutubo ka raacan jiray arday fara badan oo soomaali ah, waxaana inta uu soo waxbaray hada ay yihiin macalimiin fidisa Diinta Islaamka isla markaana dhalinyarada barta wixii uu soo baray.

Hadaba Haddii aan nahay bahda Warbaahinta Switzerland, gaar ahaan Maamulada Radio Somalia iyo Shaqaalaha Shabakada SomaliSwisstv.com, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Sheikh Cumar Faaruuq oo ka mid ahaa mashaa’ikhda uga waa weyn ee Soomaaliya.

SomaliSwiss  Jeddan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: