Qaramada Midoobay oo sheegtay in dagaalada ka socda Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin Wadamada geeska Afrika.

Halkaan ka akhri

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya ay qatar ku yihiin dalalka ku yaala Afrika oo ay sheegeen inay laga fulin karo weeraro aargigixisenimo.

Sida uu sheegay mid ka mid ah la taliyeyaasha Xoghayaha guud ee Qarmada Midoobay Ban Ki-moonayaa in dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ay sababi karaan in weerar aargigixisinimo laga gaysto gudaha dalka Kenya iyo wadamada Kale ee dariska la ah oo ku yaala geerka Afrika.

Sidoo kale Lataliyaha ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-qaacidda oo ka barbar dagaalamaaya Xarakada Al Shabaab inay qorshaynayaan in dalka Kenya iyo kuwa dariska la’ah ay ka fuliyaan weeraro la mid ah kii laga gaystay magaalada Kampala ee Xarunta ee dalka Uganda.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee guddiga hogaamiyeyaasha diinta  Islaamka ee qaaradda Afrika Mustafa Cali ayaa sheegay in dadka reer Kenya ay aad uga walaacsanyihiin 11-nin oo Boliiska dalkaasi ay xireen, kuwaasi oo ay tilmaameen inay doonayeen inay weeraro aargigixiso ah ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, islamarkaana haatan ay baaritaano ku socdaan.

Hase yeeshee Mr Mustafa Cali wuxuu sheegay in dhamaan wadamada ku yaala geeska Afrika ay qatar weyn uga imaan karto dhibaatada ka soconaysa dalka Soomaaliya, haddii aan si dhaqsi ah wax looga qaban.

Xoghayaha guud ee guddiga hogaamiyeyaasha diinta  Islaamka ee qaaradda Afrika Mustafa Cali oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “ Waxaa muuqata in Al Shabaab ay qatar u ku yihiin dalalka ku yaala Afrika sida Uganda, Kenya, Burundi, Tanzania, Ethiopia, gaar ahaan dalalka Uganda iyo Burundi”.

Ugu dambeyn Mustaf Cali ayaa wuxuu ugu digay dowladda Kenya in aysan ciidamadeeda ay ka talaabin xadka ay la wadaagaan Soomalaiya si ay dhibaato ay kaga imaanin, wuxuuna intaa uu raaciyey in dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya lagu xalin karo wada xaajood lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: