Maalinta Haweenka 8-da Maarso oo si weyn looga xusay gudaha Soomaaliya iyo Caalamka oo dhan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

8-da Maarso waa maalin loo asteeyay Haween-weynaka adduunka ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay guud ahaan caalamka, gaar ahaan Soomaaliya, waayo dalkeena waxaa waagii hore la siin jiray mudnaan gaar ah, hase ahaatee waayadii danbe dadka intiisa badan aysan ka war qabin mudnaanta ay leedahay 8-da Maarso, xaaladaha dagaaleed ee ka jiray awgood.

Sida la wada ogsoon yahay 20kii sano oo dalka Soomaaliya burbur iyo nidaam la’aan ay ka jirtay waxaa laga dhaxlay in shaqo la’aan ay soo food saartay Ragga oo dhaqan ahaan iyo Diin ahaanba dabooli jiray nolosha Qoyska, waxayna noqdeen kuwo aan aroortii u aadin shaqo, balse guryaha iyo goobaha fadhi ku dirirada ku koobnaada.

Hase yeeshee Burburka la degay dalkeena wuxuu sababay in Soomaalida ay u kala yaacaan daafaha dunida oo ay ka heleen soo dhoweyn iyo nolol ay ku dabooli karaan baahida qoyskooda, waxaana kaalinta koowaad daboolida qoyska dibad ama gudaha kaalinta koowaad ka galay Haweenka.

Sidoo kale magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya nolosha qoyska xiliyadii danbe waxay ku tiirsaneyd Haweenka oo galay booskii Aabaha, waxayna dhabarka u xerteen sidii ay u dabooli lahaayeen nolosha reerka, iyagoo abuuray shaqooyin aysan inta badan ragga qaban karin ha ahaadeen ganacsi ama howlaha kale, taasoo meesha ka saartay in aan la tabin kaalintii Aabaha uu ku lahaa dabooliska nolosha qoyska maadaama sanadihii burburka lagu guda jiray raggu noqdeen kuwo soo wajahday shaqo la’aan, booskoodiina haweenka buuxiyay.

Waxaa dhacday in Ganacsiga ugu badan ee ka socda dalka Soomaaliya waxaa wada oo suuqyada fadhiya waa Haweenka, kuwaasi oo badeecooyin kala duwan ku iibiya suuqyada Muqdisho oo la ogsoon yahay xaalada nabadgelyo ee ay ku shaqeeyaan, dhibaatada ugu ballaaran ee dagaalada sababaan dadka ugu badan ee saameyeeya waxaa u badan Haweenka la tacaalaya daboolida nolosha qoyska iyo kaalintii Aabonimo.

sidaas si la mid ah Haweenka ku sugan qurbaha ama dibadaha ayaa waxaa la oran karaa in 70% ay ka wanaagsan yihiin Ragga marka loo fiiriyo ka fikirka nolosha qoyska, waxayna isku xil saaraan sidii ay u maareyn lahaayeen nolosha qoyska ay ka soo tageen ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika.

Waxaa hubanti ah in Haweenku ay aad uga qalbi jilicsan ragga, taasoo laga dheehan karo in qoysas fara badan oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya ay ku noolaadaan nolol sare, waxayna isu xil weyn iska saareen sidii nolosha reerkooda cariiri u geli lahayn, iyagoo lacagaha ay shaqeeyaan ama lacagta loo yaqaan Cayrta ee laga bixiyo dalalka Yurub bil walba ugu qoondeeyaan lacag ku filan qoyska dabadeedna u marsiiyo shirkaddaha xawaaladaha ee dalalkaasi ka jira.

Intaa oo Kaliya kuma koobna Haweenka maareynta nolosha qoyska ee waxay kaalin muuqata u galeen tabarucaadka dhaqaalaha loogu aruurinaayo Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha dalka iyo dadka xaalad caafimaad xumo soo wajahda ee dalka wax looga qaban waayay, iyagoo u huray bixinta dhaqaale aan la soo koobi karin oo lagu badbaadinayo bukaanka Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaataan taakuleynta iyo dhismooyinka goobaha cibaadada ee Alle dartii loo dhiso si loogu guto waajibaadka Alle na faray ee Salaadaha iyo cilmi ka barashada.

Daraasad Cilmi ah ee ay sameeyeen Aqoonyahanno Soomaali ah ayaa waxaa lagu ogaaday in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa mar walba qeyb muuqata ka qaataan taageerada dadka dhibaateysan, dhismooyinka Masaajidyada, bixinta Sadaqada loo aruuriyo Agoonta iyo dadka la il daran cudurada halista ah ee dalka gudahiisa wax looga qaban waayay, waxayna ragga ay ugu wanaagsan yihiin 70% bixinta taageerada mar walba loo aruuriyo dadkaasi.

Dhanka kale waxaa la ogsoon yahay in dhibaatada dalkeena ka taagan iyo dagaalada mar walba ka socda Soomaaliya waxyeelada ugu badan dadka ay soo gaareyso ayaa ah Haweenka ku howlan maareynta nolosha guriga iyo hooyooyinka kale ee ku mashquulsan koroonshaha ubadka, mana jirto cid u naxeysa dhibaatada iyo murugada soo gaareyso mar walba, halka ragga ay ku mashquulsan yihiin arrimaha siyaasadda iyo fadhi ku dirirada.

Si kasta ha ahaatee waxaa maanta  guud ahaan Gobollada dalka Soomaaliya laga xusay Maalinta qiimaha weyn leh ee 8da Maarso, inkastoo ay meelo badan oo dlkeena ka mid ah ay ka jiraan  dagaalo iyo abaaro ay wehliyaan Gaajo iyo cudur oo dadka iyo duunyadaba u dhimanayaa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: