Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Soomaaliya oo sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay gacanta ugu jirto inta badan Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka Mr. Johny Carson oo haatan ku sugan wadanka Jabuuti ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee dhexmaray ciidamada Dowladda oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo ururka Al-Shabaab, wuxuuna Kaaliyuhu ammaan u jeediyay howlgalada ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM guulihii ay ka gaareen dagaalada iyo dharbaaxadii ay ku difteen xagjirayaasha.

Mr. Johny Carson wuxuu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen in ka badan 40-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, wuxuuna Kaaliyaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ku ammaanay Dowladda iyo AMISOM guulaha ay ka gaareen dagaaladaasi.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka Mr. Johny Carson oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Lama oran karo ciidamada Dowladda iyo AMISOM waxay ku eg yihiin lix dhisme laakiin 70% Muqdisho iyaga ayaa gacanta ku haya” wuxuuna raaciyey inay qabteen howlo aad u wanaagsan, hase ahaatee wuxuu rajo ka muujiyay inay ku fidaan dhammaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee hadalka Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli dagaallo ka socdaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo garab ka helaya AMISOM iyo xarakada ururka Al-Shabaab, waxaana dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan guud ahaan dalka oo dhan, kaasi oo u muuqdo mid lagu soo afjarayo dagaalada aan dhammaadka lahayn ee labadii sano u dambeysay dalka ka dhacayay sababayna inay guryahooda ka barakacaan kumanaan dadka rayidka ah.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: