Wasiirka qorsheynta & iskashiga caalamiga dowlada KMG oo sheegay in la soo daad gureynayo Somalida ku dhibaateysan dalka Libya.

Halkaan ka akhri

Warka soo baxay  Xarunta Madaxtooyada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegaya in Jaamacadda Carabka ay dalka Liibiya ka soo daadgurayn doonto dadka Soomaalida si looga bad baadiyo rabshadaha ka jira Magaalooyinka waaweyn ee Liibiya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ahna Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada KMG Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali ayaa waxa uu xalay fiidkii Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Jaamacadda Carabta ay ka soo jawaabtay baaq Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu u jeediyay oo ahaa in Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiya laga soo daad gureeyo dalkaas, lana  geeyo dalka Suudaan.

Sidoo kale Wasiirka wuxuu sheegay in qorshahaas daabullidda Soomaalida ku sugan dalka Liibiya uu bilaaban sida uga sdhaqsiyaha badan, waxaana la sheegay inay ka faa’idaysan doonaan dad kor u dhaafaya 2-kuna haatan ay ku dhibaateysanyihiin gudaha dalka Liibiya.

Dhanka kale Wasiirku ma uusan sheegin waqtiga ay bilaabaneyso daad gureynta hase yeeshee wuxuu dadka Soomaalida ag ugu baaqay in ay diyaar garoobaan si Ururka Jaamacadda Carabta ay uga qaado dalkaasi, sidoo kale wuxuu shacabka Liibiya ugu baaqay in aan la dhiibeyn dadka Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda KMG Soomaaliya ee ku aadan in la soo daad gureynayo dadka Soomaalida ee ku nool dalka Liibiya oo haatan ay ka jiraan rabshado xoogan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii u dambeeyay dadka Soomaalida ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay u geysanayeen dadka banaanbaxyada ka dhigaya dalkaasi ee u dhashay Liibiya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: