Wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG ah oo ugu baaqay dhaliyarada ka soo goosta Al-Shabaab in la siin doono Mushaaraad iyo waxbarasho.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo u waramayay Saxaafadda ka howl gesha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada ay Dowladdu kula jirto xarakada Al-Shabaab ee ka dhacaya magaalada Caasimada ee Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, sidoo kale wuxuu Wasiirku ka warbixiyay dhibaatooyin dadka rayidka ah uga imaanayaan maamulada Shabaabka, isagoo sheegay inay dadka si khasab ah ku gelinayaan goobaha ay dagaalada ka wadaan.

Mudane C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ka hadlayey xaaladda Al-Shabaab ku sugan yihiin wuxuu Yiri: “Shabaab waxay marayaan marxaladii u dambeysay iyagoo dad waayeel ah iyo caruur si khasab ah dagaalada u soo gelinaya” wuxuuna raaciyey  Wasiirku in ururka Al-Shabaab uusan u naxeynin shacabka rayidka ah, isagoo sheegay in hoobiye ay soo tuureen oo ku dhacay degmada Waaberi uu ku habsaday guri ay degan yihiin dad rayid ah, halkaasina uu sheegay in dhibaato isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qoysaskaasi.

Hase yeeshee Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ah ayaa wuxuu ku ammaanay ciidamada Dowladda iyo AMISOM guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen xarakada Al-Shabaab, isla markaana horay ugu durkeen aagaggii ay ku sugnaayeen.

Ugu danbeyntii Wasiirku wuxuu ugu baaqay waalidiintii dhashay Dhallinyarada Al-Shabaab ay u adeegsadaan dagaalada inay caruurtooda ka ceshadaan Al-Shabaab,hase ahaatee  Wasiitku wuxuu sheegay in dhallinyaradaas ay Dowladda u sameyneyso mashruucyo kala duwan oo mustaqbalkooda lagu horumarinayo.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: