Sharciga Qaadashada Dhalashada dalka Switzerland oo dib u habeyn lagu sameeyey, balse la hor geyn doono Baarlamanka.

Halkaan ka akhri

Berna – Qaadashada Dhalashada dalka Switzerland ayaa  lagu wadaa in guud ahaan  dib u habeyn lagu sameeyo,  hase ahaatee qaadashada sharcigan cusub ayaa waxaa uga horreeya Is-dhexgalka (Integration), taasi waxay micnaheedu tahay in qofka soo codsanaya Baasaboorka Switzerland inuu aqoon u leeyahay Afafka loogu hadlo Kantonada dalkan Switzerland.

Dib u habeyn ayaa lagu sameeyey sharciga qaadashada  Dhalashada dalka Switzerland oo ilaa haatan ah Sharci qabyo ah, balse  dhawaan ay Wasiirada Cadaaladda iyo Boliiska ay horgeyn doonto barlamaanka Swiss-ka , hase yeeshee ma ahan markii ugu horreysay oo wax laga beddelo habka qaadashada Baasaboorka dalkan.

Haddaba  dib u habeynta sharciga qaadashada Baasaboorka Swisska ayaa la sheegay in loogu gunleeyahay in loo jiheeyo ujeedooyinka hoos ku qoran:-

  • Dhalashada baasaboorka Switzerland waxaa heli kara oo Keliya dadka Ajaanibka ah oo qofkii sameeyo Is-dhexgalka (Integration), balse mustaqbalka Baasaboorka  Swissku ay soo weydiisan doonaan oo keliya dadka Ajaanibka oo haysta sharciga dal ku jooga “ C “ oo si fiican u yaqaana mid ka mid ah Afafka  loogu hadlo dalka Switzerland.
  • Qofkii si wanaagsan u sameeyo Is-dhexgalka, islamarkaasna  haysta Sharciga C-da waxaa loo fududeynayaa inuu ku qaato  Baasaboorka Switzerland Muddo 8 Sano gudaheeda, sidoo kale Ajaanibka haysta  sharciyada dal ku jooga “B” ayaa waxay ku heli karaan sida caadada tahay   sharciga “C” muddo 10 Sano gudaheeda, balse haddii dadka haysta Sharciga “B” ay heerka isdhaxgekooda uu aad u wanaagsan yahay waxay ku qaadan karaan muddo 5 guduhood ah, sida  lagu caddeeyey sharciga qabyaha ah.
  • Haddii uu qofka ajaanibka oo haysta shciyada dal ku jooga ah  uu ka guuro ama uu ka beddesho Kanton-kii ama degmadii (Stadt) uu degganaa, waxaa khasab ku ah inuu muddo 3 Sano uu degganaadaa deegaanka cusub ee uu degay.

Waxaa kaloo jiro waxyaabo kale oo muhimu  ah qaadashada Baasaboorka sida: beddelaada waqtiga dhashada, Taariikhda iyo bedelidda magacyada.

Haddaba Barashada Luuqadaha looga Hadlo Dalkan Switzerland waxay kuu sahleysaa qaadashada Basaboorka Switzerland.

Qofkasta oo ah Ajaanibta degan dalkaan Switzerland ee Barta Luqadaha Looga hadlo meesha uu degan yahay wuxuu sharciga ku qaadan doonaan 8 sano, Sidaas  waxaa Barlamanka hor geeyn doono Waaxda Federaalka Swisska uga qaabilsan Cadaalada iyo Boliiska.

Hase yeeshee su’aasha meesha ku jirta waxay tahay in dalka Swiiska uu dhaqan gelin doona sharcigaas sidaasi waxaa Saxaafadda ka wareysatay qaar ka mid ah sharciyaqaanada, waxayse inta badan isku raaceen in dalka Swisska ay wax badan ka faa’iideen dadka Soo galootiga, taa ayaana keentay in lagu dhiirado in la horgeeyo Barlamaanka Arrintaa, waxaa dalka Swiiska waayadii hore imman jiran dad shaqo u yimid ka dibna dib ugu noqon jiray Dalalakooda.

Balse iminka waxaa si aad ah u yimaada dad aqoon xirfadeed leh oo doonaya inay deegaan ku yeeshaan Dalkaan, taas ayaa keentay in laga Faa‘iideeysto aqoonta dadka doonaya Deganaanshaha loona fududeeyo dhalashada Dalkaan, inkastoo xisbiyada qaar ay leeyihiin waxa qatar geli doonta degenaanshaha iyo quruxda deeganka dalka Swissku oo caanka ku ah dhulka doog badan, waxayna noqon doontaa in dhismayaal cusub laga dhiso dalkan, dhinaca kalena waxaa isbedelkaas ka faa‘iideesanyo dhalinta yar yar ee Luqadaha si wacan u bartay denbiyadana aan gelin.

Si kasta arrintu ha ahaatee waxaan Soomalida degan Dalka Switzerland  ku dhiirigelineeynaa haddaan nahay Bahda warbaahinta Soomaalida ee dalkan Switzerland inay Bartaan Luqadaha kana Faa‘ideeystaan fursadaha dalkan ka jira, maadaama ay ku nool yihiin.

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: