Ciidamada dowladda KMG iyo Ahlu Sunna oo la wareegay gacan ku haynta degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinac ah ayaa aroorinimadii horey ee saakay waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Luuq ee gobolka Gedo iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicindegmadaas, kadib markii ciidamada Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen oo aan halkaasi wax dhiig ah ku daadan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa  sheegaya in ciidamada farabadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo Taangiyo ay saakay joogaan Xero 1-aad ee degmada Luuq, iyagoo afaafka hore ee Buundada ka wada baaritaano ay ku doonayaan inay ku ogaadaan in waxyaabaha qarxa looga tagay halkaas iyo in kale.

Hase yeeshee lama garanayo halka ay u ruqaansadeen Ciidamada Xarakada Al Shabaab ee ku suganaa degmadaasi, waxaana la sheegay in qoysas farbadan ay shalay halkaasi ka qaxeen kuwaasi oo ka baqanayay in halkaas dagaal ku dhexmaray labada ciidan.

SomaliSwiss Luuq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: