Abuu Mansuur oo sheegay in ciidamada AMISOM ay taageero ka heleen kuwa Ethiopia oo iyagu gacan buuxda siinaya.

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay dadwaynaha ku dhaqan deegaanka ceelasha biyaha ee  duleedka magaalada Muqdisho la hadlay Sheikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo Sheikh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab, waxayna halkaasi ka soo jeediyeen muxaadaro ka hadlaysay jihaadka iyo sida ay dadku uga qayb qaadan karaan.

Sidoo kale Abuu Mansuur ayaa sheegay in jihaadka lagula jiro ciidamada shisheeye iyo kuwa xuduudaha ka soo weeraray dalka  loo baahan yahay in aan loo kala harin oo dadka dhamaantood ay isu istaagaan, sidii ay uga qayb qaadan lahaayen.

Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wato wuxuu sheegay in shacabka Soomaliyeed ay ogaadeen tabarta shisheeyaha inta ay la egtahay, isagoo sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale Abuu Mansuur ayaa sheegay  sababaha ciidamada Itoobiyaanka ku soo celiyay gudaha dalka Soomaaliya, ay tahay in Dowladda Ethiopia ay adoon u tahay wadanka Maraykanka oo markasta lagu adeegto.

Abuu Mansuur oo ka hadlayey arrintaas wuxuu Yiri: “Soomaaliya waxaa isku soo bahaystay Gaaloo dhan, dowladda Kenyana ay ku soo biirtay dadka duulanka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, balse mujaahidiinta ay  jawaab ka bixin doonaan talaabooyinka ay qaaday Dowladda Kenya”.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: