Midawga Africa iyo AMISOM oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo badan ay kaga dhinteen dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM General Nathan Mungisha iyo ku xigeen wakiilka ururka midawga Africa Wafura Wamanila ayaa waxay si wada jir ah magaalada Nairobi dalka Kenya ugu qabteen Shir jaraa’id oo ay kaga hadleen arrimaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale labadaas mas’uul waxay si qoto dheer uga hadleen arrimaha dagaalada Muqdisho ka jira, waxayna qirtay in askar badani kaga geeriyoodeen dagaaladii dhacay hase ahaatee waxay meesha ka saareen wararka sheegaya in 53 askari ay ku geeriyoodeen dagaaladii ugu dambeeyay.

Ku xigeen wakiilka midawga Africa u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya Wafura Wamanila ayaa been abuur ku tilmaamay in 53 askari oo AMISOM ka tirsan ay ku naf waayeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada midawga Africa la galeen dagaaladii dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab, balse taasi waa wax kama jiraan, hase ahaatee  uu sheegay inuu jiro khasaaro ciidamadooda soo gaaray.

Wafura Wamanila sidoo kale wuxuu sheegay in dagaaladii ay Xarakadda Al-Shabab la galeen ay guulo ka geereen, isla markaana ay la wareegeen degmooyin ay horey ugu sugnaayeen Xarakada Al-Shabab.

Dhanka kale taliyaha guud ee ciidamada AMISOM General Nathan Mungisha ayaa ku nuux nuuxsaday in ujeedada ay dagaalada u guleen ay tahay difaacida dawlada KMG Soomaaliya,  wauxuuna intaa ku daray inay fasax u heystaan inay dagaalo galaan haddii ay arkaan in dhibasato ku soo wajahan tahay ayuu yiri Taliyuhu.

General Nathan Mungisha ayaa ka meer meeray inuu si toos ah uga jawaabo su’aalo la weydiiyay oo la xiriiray inay duqeymo aan loo mel dayin la dhacaan suuqa Bakaaraha iyo xaafaddo ku yaala magaalada Muqdisho oo dad shacab ah degen yihiin.

Sida la ogsoon yahay  wakaaladda wararka ee AP waxay shalay ay soo qortay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 askari oo ka tirsan AMISOM, kuwaas oo badankod ay u dhasheen dalka Burundi halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 100 kale oo qarkood xaaladoodu liidato.

Si kasta ah ahaatee wakaaladda wararka ee AP waxay sheegtay in warkaas ay ka soo xigatay Sarkaal aan magaciisa sheegin oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Burundi kaaa oo  qiray in khasaaro xoogan ciidamadooda ka soo gaartay dagaaladii ugu dambdeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: