Madaxweyne Sheikh Shariif oo maanta warqadii aqoonsiga Safiirnimada ka gaddoomay Safiirka dalka India u fadhin doono Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho munaasabad uu Madaxweynaha KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu waraaqihii aqoonsiga safiirnimo kaga gudoomay Safiirka cusub ee dowladda India u soo magacowday Soomaaliya.

Ugu horeyntii waxaa Munaasabada ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar oo sheegay in India safiir waaya arag ah u soo magacawday Soomaaliya, kadib markii la badalay safiirkii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibada Oomaar ayaa sheegay in Safiirkan cusub ay soo dhoweynayan, isla markaana uu ku tilmaamay nin inta badan ku soo dhex jiray diblomaasiyada dhinaca dibada oo dalal badan u soo matalay dalkiisa.

Daljere Sibabrata Tripathia ayaa horay wuxuu ka soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan dalalka Kenya , Finland iyo Uganda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa munaasabadaas isna  hadal kooban ka jeediyay, wuxuuna sheegay inuu soo dhoweynayo safiirka cusub, uuna sheegay in si rasmi uu uga gudoomay waraaqihii aqoonsi ee safiirnimo.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanyahay in Hindiya iyo Soomaliya xiirrirkooda diblomaasiyadeed uu dib usoo noqday, waxaa rajeynayaa in safiirka cusub in uu xiriirka labada dal kor u sii qaado”.

Warar aan ka helay Waliilka SomaliSwiss ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlo wadamo badan ay ku howlan yihiin sidii ay safaaradahooda ugu furan lahaayeen, iyadoo muddo bil ka hor ay aheyd markii Dowladdaha Itoobiya iyo Jabuuti ay safiiro u soo magacowdeen Soomaaliya, kuwaasoo waraaqaha aqoonsiga uu ka aqbalay Madaxweynaha.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: