Madaxda sare ee dowladda KMG iyo Saraakiisha ciidamada Qalabka sida oo xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Baydhaba.

Halkaan ka akhri

Xarunta ugu weyn ee uu leeyahay taliska ciidamada Dowladda KMG ah ee magaalda Muqdisho Villa Baydhaba ayaa waxaa xalay ka dhacay kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo Ra’iisal-Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay ku hoydeen xeradaasi iyo saraakiisha ugu sareysa ciidamada Dowladda KMG ah, kulankaas oo ahaa mid saddex geesood ah, waxaana looga hadlay dhaqdhaqaaqyada ciidamada Dowladda KMG ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Sida wararka ay sheegayaan in Kulankaas uu socday muddo ka badan hal saac, markii uu dhammaadayna waxaa ka hadlay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh. Axmed, wuxuuna sheegay in isaga iyo Ra’iisal-Wasaare Farmaajo ay shir la qaateen saraakiisha kala duwan ee ciidamada Dowladda KMG isla markaasina ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan ammaanka iyo xasiloonida sidii loo adkeyn lahaa.

Madaxweyne Shariif oo warbaahinta la hadlayey wuxuu yiri: “Dowladda KMG ah waxay guulo ka gaartay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo gobolada dalka, waxayna Xarakada Al-Shabaab ka qabsadeen goobo fara badan” wuxuuna intaa uu raaciyey in Dowladdu ay sii wadeyso dagaalada ay dalka uga saareyso xarakada Al-Shabaab oo dhibaatooyin ku haya dalka iyo dadka.

Sidoo kale war ka soo baxay kulanka Madaxda sare ee Dowladda KMG ah iyo saraakiisha ciidamada ayaa sheegayaa inay uga hadleen istiraatiijiyada dowladdu ka wado guud ahaan dalka, hase yeeshee wuxuu Madaxweyne Shariif waxba kama jiraan ku tilmaamay in dagaalka B/Xaawo ay ka qeyb galeen ciidamo Itoobiyaan ah, balse waxa uu qirtay in Dowladda Itoobiya dhinaca lojistikada ay ka taageereyso ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda ku sugan gobolka Gedo.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: