Koox suxufiyiin ah oo la socday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada oo booqday goobihii ciidamadooda ka saareen Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Koox suxufiyiin ah oo la socday Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Sheikh C/qaadir Macalin Nuur ayaa waxay booqdeen Goobihii Ciidamada Dowlada KMG ay ka saareen Al-Shabaab ee aaga Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Bahda Saxaafada magaalada Muqdisho oo lagu casuumayinay indhahooda ku soo arkaan Goobahii shalay laga qabsaday iyo goobahii ay horay u joogeen Ciidamada Xarakada Al-Shabaab, waxaa sidoo kalena bahda saxaafada indhahooda ku arkeen dhufeesyo dhaadheer ee xarakada ka qodatay kahor inta aan lagalla wareegin fariisimankaan ay kulahaayeen Degmada hodan oo iyada kamid ah meelaha sida weyn ay isugu hor fadhiyeen labadaan ciidan.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa waxa uu lugta ku soo maray aagga hore difaaca ciidamada Dowladda ay ka joogaan wadada wadnaha, waxaana socodkaas ku wehliyay wasiirku wariyaal ka socday saxaafadda gudaha iyo dibadda oo indhahooda ku arkay dhufaysyada laga saaray khawaarijta Al-shabaab.

Sida lagu soo warramay kadib markii uu kormeerka soo dhamaaday waxaa ugu horreyntii halkaas saxaafadda kula hadlay wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya Sheekh C/qaadir Macalin Nuur wuxuuna u mahad celiyay Allah oo guusha siiyay ciidamada Dolwadda, kadibna waxa uu u mahad celiyay geesiyasha dagaalka la galay kooxda khawaarijta shabaab ee jab uu wehelka u noqday maalnihii la soo dhaafay, wuxuuna sheegay wasiirku in doladdu ay diyaar u tahay in ay u fidiso daryeel dhan waliba ah Ciidamada geesuyaasha ah ee ku jira difaaca hore ee dagaalka Cadawga khawaarijta shabaab.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay xarunta Hotel Makka Al-mukarama oo ay degan yihiin Ciidamo Ka tirsan Dowladda Soomaliya, wuxuuna halkaas kulamo kula qaatay Masuuliyiinta ciidamada, wuuxuuna u jeediyay dardaaran iyo in ay gutaan waajibka qaranka ee ay u dhaarteen inay difaacaan dadka iyo dalka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: