Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna oo maanta u jiheystay deegaanada kale ee gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad-xaawo ee G/Gedo ayaa sheegayaa in Xaalada Magaaladaas ay haatan tahay mid degan, hase ahaatee Wararka Kale ayaa sheegya in Ciidamada dowalada iyo Kuwa Ahlu Sunnah ay baacsanayaan Maleeshiyooyinka ka cararay awoodda Ciidanka isbahaystay waxaa lagu soo warramayaa inay u sii jiheysteen degaano Kale o ka Tirsan gobolka gado. Ee ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale Wararka sheegayaan in degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey ay ka jiraan diyaar garow iyo dhaqdhaqaaq ay samaynayaan ciidamada Xarakada Al-Shabaab, waxaana dhaqdhaqaaq xoogan uu ka jiraa degmada Luuq oo ah degmo u dhow xuduuda ay soomaaliya la leedahay dalka Ethiopia.

Hase yeeshee Saraakiil ka Tirsan dowladda ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ka gaareen qabsashadii magaalada Baladxaawo waxayna intaas ay Ku daraeen ay ku sii socdaan degaano kale oo ka tiirsan G/Gedo sida luuq, Galbaharay iyo Bardheere  oo ah hada gacanta Ku hayaan Maleeshiyinka Xarakada Al-shabaab.

Si kasta ha ahaatee dadka Ku dhaqan degaanadaas ayaa waxay shegayaan in labada dhinacba ay wadaan diyaar garow xoogan, taasina ay  sameen Ku yeelatay Shacanka ku dhaqan degaanada gulufta dagaalka ku soo food leh.

SomaliSwiss   Balad-xaawo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: