Afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay in ay fashiliyeen Is-qarxin lala damacsanaa ciidamo joogay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Major Bridgaya Bhaku ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxyo is miidaamin oo lala damacsanaa in lala beegsado fariisimahooda xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxa uuna sheegay in Al-Shabaab ay ku soo qaadeen laba weerar oo kala duwan midka koowaad uu ahaa laba baabuur oo laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, kaasi oo uu sheegay inay fashiliyeen weerarkaasi kaddib markii ciidamada AMISOM ay ku qarxiyeen inta aanay gaarin baabuurtaasi qaraxyada lagu soo raray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay Weerarka labaad ee dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen Wasaaradda gaashaandhigga uu ahaa weeraro ay soo qaadeen iyagoo adeegsanaya hubka gacanta laga rido, taasi oo uu sheegay inay kala kulmeen jab iyo khasaare soo gaaray Shabaabka, isagoo sheegay in ciidamada Dowladda KMG ah ay ku fideen goobihii ay Shabaabku horay ugu sugnaayeen.

Major Bridgaya Bhaku oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Kulankii bulshada rayidka ah ay ku taageereen howlgalka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay dalka uga saarayaan kuwa cadowga ku ah nabadda iyo horumarka waan soo dhoweyneynaa” wuxuuna sheegay in bulshada Soomaaliyeed taageeradooda dhiirigelineyso moralka ciidamada iyo inuu sii xoogeysto dagaalka looga horjeedo wax uu ugu yeeray kooxaha Extrimistayaasha ah.

Dhanka kale Afhayeenka ciidamada AMISOM oo ka hadlayay awooda ciidamada AMISOM wuxuu sheegay in ciidamadu ay leeyihiin xoog iyo xirfad ay ku baacsan karaan maleeshiyada Shabaab iyo dagaalyahanada ururka Al-Qaacida isla markaana iskaga difaaci karaan weerarada, gawaarida lagu soo raray waxyaabaha qarxa iyo weerarada is miidaamiinta ah.

Ugu danbeyntii waxa uu sheegay afhayeenka inay taasi daliil u tahay sida ay u fashiliyeen falal noocaasi ah oo Shabaabku doonayeen inay ka geystaan fariisinkooda Wasaaradda Gaashaandhigga, isla markaana weeraro ay soo qaadeen uga hortegay.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: