Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Dagaalo culus oo saaka waaberigii ka qarxay Jidka dheer ee warshadaha iyo nawaaxiga wasaaradii hore ee gaashaandhiga, waxaana weerarka dagaalkan soo qaaday Xarakada Al-shabaab, hase ahaatee culeyska dhawaaqa Madaafic iyo Rasaasta waxaa si weyn looga dareemay magaalada inteeda kale.

Sida lagu soo warramay dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab weeraro saf ballaaran ay ku soo qaadeen aaga warshadaha gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo rasasta xoogeeda iyo madaafiicdaba ay ka dhacaysay.

Col. Brega  oo ah Afhayeenka u hadlay Ciidamada Brundi ayaa sheegay in dagaalka saaka ay soo qaadeen Shabaab, ayna isku dayayeen inay dib u qabsadaan Gaashaandhiga.

Sidoo kale Col. Brega wuxuu cadeeyay isagoo ku sugan goobta dagaalka, in ay fashiliyeen isku dayo weeraro ballaaran ah oo Shabaabka ay ku doonayeen inay dib ugu qabsadaan Wasaaradii gaashaandhiga sida uu yiri.

Hase yeeshee Wararkii ugu dambeeyay dagaalada ayaa sheegaya in haatan uu yara qaboobay dagaalka culeyskiisa, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas si teel teel ah uga dhaceysa aagaga la isku hor fadhiyo.

Balse waxaa la soo sheegay inaysan jirin wax horumar ah oo ay ka kala sameeyeen labadii dhinac ee dagaalamayey, waxaana ay wali ku kala sugan yihiin goobihii maalmihii hore, inkastoo saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ay sheegayaan in Shabaab ay ka saareen dhufeysyo ay kaga jireen Jidka Warshadaha.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: