ciidamada dowlada KMG Somaliya oo la wareegay gacan ku haynta degmada Balad-xaawo ee G/Gedo.

Halkaan ka akhri

War saaka naga soo gaaray degmada Baladxaawo  ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinac ah ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay taageero ka helayeen ciidamo Ethiopian ah sidaas darteed waxay la wareegay gacan ku haynta degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii  dagaal culus ay degmadaas ku dhexamaray saakay.

Sidoo kale Wararku wuxuu intaas ku darayaa in wali dagaal uu ka socdo duleedka degmada hase ahaatee degmada ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in ilaa haatan inta la’ogyahay ay ku dhintay 15-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay, sidoo kale 20-kalana way ku dhaawcmeen, waayo waxaa dagaalku laysku weydaarsaday  hub culus.

Qof la soo xiriiray Warbaahinta gudaha oo iku sheegay inuu yahay  gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay si buuxda ay gacanta ugu dhigeen degmada Balad-xaawo, islamarkaana dagaalka uu ka socdo daafadaha degmada, balse ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabab oo ku ka hadlaya dagaalka Saaka degmadaas ka qarxay.

SomaliSwiss   Baladxaawo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: