Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ay bilaabeen in qaab militeri ah ay uga fara maroojiyaan goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Somalia kulamo ku yeesheen madaxda iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka KMG ah, waxayna sheegeen inay bilaabeen sidii ay qaab milateri ah uga fara maroojin lahaayeen Ururka Al-Shabaab degaanada uu ka taliyo,

Sidoo kale waxaa kulankaas loogu wada hadlay qorsheyaal ku aadan howlgallada ay ciidamadu  ka wadaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood oo haatan ay Ciidamadu Xoogga dalka ay ka dagaallo kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ah C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb galay kulankaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkaasi iyo waxyaabihii looga hadlay, waxa uuna sheegay in la isku afgartay dhammaanba qodobadii la iskula soo qaaday, isagoona sheegay in dowladda KMG ah ay dejisay istiraatiijiyada qorshihii ay Al-Shabaab uga saari lahayd magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Md. C/Xakiim Fiqi wuxuu sheegay in Dowladda KMG ah ay guulo ka gaartay dagaalada ay Al-Shabaab la gashay, isagoo tilmaamay inay ka qabsadeen goobo istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaashaandhigga, xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigley, Boondheere iyo isgoyska Siinaay, wuxuuna Wasiirku sheegay in dowladdu ka go’an tahay sidii ay shacabkeeda uga dulqaadi lahayd dhibaatada ay ku hayaan kooxaha cadowga ay ku adeegato argagixisada.

Hase yeshee Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu ku booriyay dadka rayidka ah ee degan xaafadaha ku dhow suuqa Bakaaraha iyo degaanada la xariira inay degaan dhulka ay dowladdu maamusho, isla markaana isaga guuraan xaafadaha ay joogaan Shabaabka, taasi oo uu sheegay Wasiirku inay wax ka tareyso sidii dadka rayidka ah ay uga badbaadi lahaayeen waxyeelada dagaalada ka dhaxeeya laba dhinac.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: