Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho Dagaallo iyo duqeymo goos goos ah oo khasaaro gaystay, una dhaxeeyey  ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabasanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab waxaana dagaalkaas uu ka  dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Dagaaladan ayaa sheegay  inay bar bar socdeen duqeyn aan badnayn ayaa saakay waxaa ay xaafado ku yaala degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ku dhexmartay ciidamada dowladda KMG oo taageeraya AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale dadka ku dhaqan Xaafadaha uu dagaalka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalkaas uu bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab weeraro ay ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin nawaadxiga Taalada Sayidka, Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa ilaa haatan lagu soo warramayaa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay dad gaarayaa ilaa 5 qof, kuwasi oo ahaa dad rayid, waxaana rasaasta culus ay bar bar socdeen Madaafiic mararka qaar ay ku dhacaysay xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sida la wada ogsoon yahay magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo taageero Milatari ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab iyadoo dagaalada soo noq noqday ay qasaaraha ugu badan gaarsiiyaan dadka rayidka ah ee ku sugan degmooyinka lagu dagaalamayo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: