Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Maraykanka oo sheegtay in Libya ay ku socota wadadii Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka jira dalka Liibiya haddii ay socdaan ay  sababi karaan in ay la mid noqdaan dagaaalada ka socda dalka Soomaaliya oo marba marka ka sii danbeyso ay sii kordhayaan rabshadaha.

Hillary Clinton  oo ah Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Maraykanka Haweenayda ayaa waxay walaac ka muujisay xaaladda cakiran ee iminka ka taagan dalka Liibiya ay isku badli karot mida haatan ka taagan dalka Soomaaliya.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Maraykanka Hillary Clinton ayaa waxay cadeeysay in dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya dalka Liibiya ay sababi karaan dhibaatooyin hore leh oo ka dhaca dalkaasi, waxayna shaaca ka qaaday in haddii ay banaanbaxyadaasi ay sii socdaan uu dalka Libiya noqon karo xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Hilary Clinton  ayaa xustay in muhimmada uga horreyso ee ay  dowladda  Mareykanka ay ku fikireyso ee ah dhibaatooyinka ka jira dalka Libiya ay tahay in laga hortago in dalka ku yaalla waqooyiga Afrika uu noqodo sida Soomaaliya oo kale uuna isu rogo xarun aragagixiso.

Ugu dambeyntii Hilary Clinton  ayaa sheegtay in dhowr qof oo Al qaacid ah oo lagu qabtay wadamada Afganistaan iyo Ciraaq ay cadaatay in ay ka soo jeedaan bariga dalka Liibiya gaar ahaan deegaanada haatan loogu magac daray  goobaha la  Xoreeyey.

SomaliSwiss Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: