Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Kenya oo si kulul uga jawaabay eedeyntii ka soo yeertay Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa si kulul ugu jawaabay eedeyntii ka soo yeertay afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali dheere, wuxuuna wasiirku sheegay inay iska difaaci doonaan haddi la soo weeroaro dalkiisa.
Hase yeeshee Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan weerarada iyo goodinta ka imaneysa shabab isagoo meesha ka saaray in ay qeyb ka ahaayeen dagaaladii ka dhacay Balad-xaawo oo ay alshabab sheegeen in ay Kenya ay ku jirtay.
Dhanka kale Wasiirku wuxuu sheegay wasiirku in Kenya dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo ay uga dhimatay haweynay Kenyan-ah iyo islamarkaana ay kaga dhaawacmeen ilaa 10-qof oo ku dhawacmay rasaasta dagaaladasi.

Ugu dambayntii Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Kenya wuxuu cadeeyay in dhawaan talaabo ay ka qaadayaan qof walba oo shabaabka dhankiisa ka soo gala si amniga dalka kenya loo adkeeyo maadaama shabaab ay hanjabaad u jeediyeen Dowlada Kenya.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: