Madaxweyne Sheikh Shariif oo maanta kulan xasaasi ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Militariga dowladda iyo kuwa AMISOM.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ay albaabada u xirnaayeen la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga Dowladda KMG iyo Taliyeyaasha AMISOM.

Sida la sheegay Kulankan oo ahaa mid looga xaajoonayay abaabulka xooga leh ee duulaanka ay Dowladda KMG ah ay qaaday ayaa ahaa mid la isku weydaarsaday wada tashiyo iyo talooyin muhiim ah oo ku aadan xaaladaha dagaal ee ay Dowladda gashay.

Sidoo kale kulamada is daba joog ah oo Madaxweynuhu uu la qaatay Saraakiisha ugu sareysa dhinaca Ciidamada iyo kuwa AMISOM, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi, Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen. Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid), Taliye xigeenkiisa ahna Abaanduulaha Ciidamada Jen. C/kariin Dhega-Badan iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Nathan Mugisha iyo Saraakiil la socotay.

Dhanka kale Kulankan ayaa waxaa loogu hadlayey xaaladda abaabul iyo wadatashi uu Madaxweyne Shariif uu la yeelanayo saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM, kaasoo qorshihiisa yahay sidii Dowladda KMG duulaanka ay qaaday loogu guuleysan lahaa.

Hase yeeshee Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in muhiimadda kulumadaan ay tahay sidii loo sugi lahaa amaanka dalka, loogana saari lahaa argagixisada caalamiga ah ee dalka ku soo duushay.

Sidoo kale ilo wareedyo laga soo xigtay xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka la isku soo qaaday qaladaad u muuqday inuu hakad geliyay weeraradii ay qaadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kaas oo noqday mid labada ciidan is faham waa soo kala dhex galay, kadib markii Maalintii Jimcaha ay Ciidamada AMISOM si qalad u duqeeyay Goob ay Ciidamada Dowladda dagaal kula jireen Xoogaga Shabaab agagaarka Jidka Wadnaha.

Dhacdadaas ayaa keentay in Ciidamada Dowladda ay ka soo baxaan aagaga dagaalka, kadib markii madfac si khalad ah ugu dhacay Aag ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga Dalka, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana falkaas dib isugu noqday saraakiisha labada dhinac oo ay muddo dheer ka xaajoodaan.

Sida la wada ogsoon yahay Xaalada dagaal ee ay Dowladda gashay ayaa ah tii ugu dambeysay ee ay ku dooneyso inay Muqdisho kaga saarto Shabaab, waxaana muhiimada duulaanka uu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore u fashilmay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: