Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkaan ka akhri

This slideshow requires JavaScript.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay qaar kamid ah maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka  Hiiraan & Midland STATE ayaa xalay oo ay taariikhdu aheyd 01/03/2011 lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Xafladaasi waxaa goob joog ka ahaa odayaal dhaqameed, waxgarad, siyaasiyiin, indheer garad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan iyo Midland, waxaana ka mid ahaa Prof. Axmed Xassan WARDHIGLEY oo isagu ka yimidi North America iyo musharixii madaxweynenimada dalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi Mohamed Shaacir oo isaguna ka yimid dalka Denmark.

Waxaa kaloo xaflada kasoo qeyb galay Prof. Abdullahi Mohameed Aden GACANEY oo isagu reer London ah isla markaana hor kacayay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee beesha DAGOODIYE.

Kulanka Xafladaas waxaa shirgudoominayay Mdaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan & Midland STATE Ing. Abdulqadir Aadan JIRAABEY, waxaana ku wehliyay, Wasiiradda Qoyska iyo arrimaha Haweenka, Marwo Suldaana Cadaay Xuuriye.

Sidoo kale Waxaa ka soo qeyb galay wafdi ballaaran oo ka socdey Jaaliyadda beelaha Saransoor ee London UK iyo qaar ka mid ah gabdhaha Jaaliyadda beesha Gaaljecel oo ay ka mid ahaayeen Shurkri Abdulwahab iyo Sucaad Abiikar.

Xaflada oo ay ka hadleen dad badan oo isugu jiray madax iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ugu horeyn furay Dr. Abdullahi Hussein Abdi oo isagu ka hadlay halkii shalay xaaladdu joogtay iyo meesha ay maanta mareyso faraqa u dhexeeya, isagoo xusay inuu jiro horumar weyn oo dhinac kasta leh, kaas oo ah wax aad loogu farxo, isla markaasna laga soo dhaweeyay meel kasta oo caalamka ka mid ah shacab iyo saxaafad intaba.

Furitaankii ka dib ayuu hadalka qaatay Prof. Ahmed Wardhigley oo isagu ah halgame wadani ah tan iyo intuu dhalin yarada ahaa howlo badanna kasoo qabtay is bedelladii dhinacyada kala duwanaa ee dalka Soomaaliya, isagoo soo jeediyay in la mideeyo cududda beelaha Hiiraan & Midland, isla markaana si xoogan looga qeyb galo shirarka isdaba jooga ah ee ay qabanayaan qurbajoogta Soomaaliyeed, wuxuu kaloo soo jeediyay in aan lagu Koobnaan Dowlad Goboleedka ee mida guudna (national)  qeyb libaax laga qaato.

Waxaa intaas kadib hadalkii qaatay Musharraxii madaxtinimada Soomaaliya Mudane Abdullahi Shaacir, isla markaana tartanka soo socda u diyaar garoobaya, ayaa taageeray Dowlada Hiiraan & Midland STATE kuna taliyay in dumarka reer Hiiraan si xoog leh looga qayb geliyo (LET THEM INVOLVED) siyaasada iyo talooyinka Dowladan.

Sidoo kale waxaa hadal qiiro badan halkaasi ka jeediyay Prof. Abdullahi Mohamed Aadan GACANEY oo isagu hogaaminayay wafdi ka socday beesha Dagoodiye, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarinta gobolka Taageeridda Dowlada HM STATE.

Waxaa sidoo kale hadal aad u qiimo badnaa halkaasi kasoo jeedisay Marwo Suldano oo shegtay in haweenka reer Hiiraan in ay ku hanweyn yihiin garab istaagista Dowlada HM STATE, isla markaana aysan diyaar u ahayn wax kasta oo gaabis u keeni kara horumarinta dhaqan dhaqaale ee beeshaha oo dhan.

Marwo Suldano oo ah Wasiiradda Qoyska iyo arrimaha Haweenka ayaa sheegtay in aanay hadda raaci karin wafdiga u baxaya dalka Soomaaliya, iyadoona intaa ku dartay in ay ka daba tegi doonta markii ay dhameys tirto howlo dowladda oo qabyo u ah, iyadoo sheegtay sida ay uga xuntahay inay ka harto wafdigaas madaxweynuhu hogaaminayo, shaqadaas darteed laakin ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga daba tegi doonto.

Ugu dambeeyntii waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hiiraan & Midland Eng C/qaadir Aadan Jiraabey oo isagu u mahad celiyay intii xafladaasi sagootinta ahayd soo agaasintay iyo intii kasoo qeyb gashay, wuxuuna u mahad celiyay dhammaan umadda reer Hiiraan iyo Midland taageerada ay lagarab taagan yihiin Dowladdiisa, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay kasoo dhalaali doonto xilka loo igmaday isla markaasna ay si deg deg ah uga howl billaabi doonto dalka gudihiisa.

Xafladdaas oo waqti badan socotay waxaa gunaandkii soo af jaray Dr. Abdullahi Hussein oo halkaasi duco iyo ereyo sagootin ah ka jeediyay, isla markaasna madaxweynaha iyo wafdigiisa iyo umadda Hiiraan & Midland u rajeeyay bash bash, horumar iyo barwaaqo.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: