Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo uga baaqay dhalinyarada Al-Shabaab ka bar-bar dagaalamaysa in ay faraha kala baxaan qatarta ay ku jiraan.

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda KMG Soomaaliya ayaa uga baaq dhalinyarada ka bar-bara dagaalanta Xarakada Al-Shabaab, inay faraha kala soo baxaan qatarta ay ku jiraan, taas beddelkeeda wuxuu Wasiirku u balan qaaday in dowladdu u diyaarinayso, una  sameyn doonto barnaamijyo noloshooda kor loogu qaadayo, haddii ay dowladdu isu soo dhiibaan.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi wuxuu sheegay in Dowladda KMG ay wado barnaamijyo la xiriira dhalinyarada ka soo goosata Xarakada Al-Shabaab in dowladda ay maareyn doonaan xaaladdooda nololeed.

Dhanka kale waxaa uu Wasiirku sheegay inay ahmiyad gaar ah ay siin doonaan hadii ay kala soo goostaan Hubkooda iyo gaadiidka dagaalka, isla markaana ay ugu bedeli doonaan qiimo walba uu joogo Hubka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Nuuc walba oo Hubka ah, qoryaha fudud ama Gaadiidka dagaalka hadii ay kala soo goostaan anagana lacag ayaa ugu bedeleynaa, qiimaha uu hub walba uu joogo ayaan siineynaa”, wuxuuna caddeeyey in Dowladda KMG ay sii wadeyso howl galada ilaa ay ka ciribtirto askariga ugu dambeeyay ee Shabaab, waxaana wasiirku xusay in goobaha dhowaan ay la wareegeen ay dadku bilaabeen in guryahooda soo kormeeraan sida uu yiri.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Wasiirka gaashaandhiga mid la mid ah ay madaxda kale ee Dowladda q ugu baaqeen dhalinyarada Al-Shabaab ay marin habaabiyeen inay isku soo dhiibaan, si loo bad baadiyo naftooda, waxaana la ogeyn baaqan is-daba jooga sida ay ugu suurta gelin karto in dhalinyaro hor leh ay ka soo tagaan Xarakada Al-Shabaab.

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: