Wakiilka Ururka Midawga Africa ee Soomaaliya oo ku baaqay in dowladda KMG Soomaaliya lagu gacan siiyo dadaalka nabad raadinta ah.

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay ka furmay caasimada wadanka Ghana ee Accra shir looga hadlayey arrimaha nabada iyo dib u hisiinta Soomaaliya, waxaana  hadal dheer ka jeediyay Wakiilka ururka Midawga Africa ee Soomaaliya Jerry John Rawlings.

Wakiilka Ururka Midawga Africa ee Soomaaliya Jerry John Rawlings ayaa shegay inay muhiim tahay in taageero dhameys tiran la siiyodawlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada Ururka Midawga Africa ee Soomaalia ku sugan (AMISOM), si ay u suuro gasho in nabada Soomaalia
ku soo laabato kadibna dib u hishiisiinta loo Sameeyo.

Sidoo kale Mr.Jerry Rawlings ayaa  ugu baaqay wadamada beesha caalamka inay gacan ku siiyaan Ururka Midawga Africa ka miro dhalinta nabada Soomaaliya oo uu sheegay inay dadaal ugu jiraan wuxuuna sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin xilligaan nabad iyo xasilooni taasoo ay ku jirto gacanta beesha caalamka.

Wakiilka Ururka Midawga Africa ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Kuwa dowladda Soomaaliya ay xooga saareen sidii wax looga qaban lahaa amaan xumida ka jirta Soomaaliya wuxuuna hoosta ka xariiqay in ciidamada AMISOM ay horumaro ka sameeyeen Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay oo ay fariisimo ka sameysteen goobo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab taasoo ay ka mid tahay dhismaha Wasaaradda gaashaandhiga oo jidka warshadaha ku yaala.

Mr.Jerry Rawlings wuxuu tilmaamay in qorshahoodu yahay inay dar dar galiyaan dhaqan galinta go’aanadii shirkii dib u hishiisiinta Jabouti, sidoo kale wuxuu meesha ka saarin inay lama huraan tahay in la tix galiyo kordhinta ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka hawl gala.

Wakiilku ayaa wuxuu ku eedeyayu madaxda dawlada KMG Soomaaliya inay ka wadaan Soomaaliya qalqal siyaasadeed xilligan oo ah Waqtiga kala guurka ah, wuxuuna sheegay inay ku dagaalayaan  wax uu ugu yeeray xukun kororsi.

Dhanka kale Shirkaan ka furmay magaalada Accra ayaa la sheegay inuu socon doono laba maalmood, waxaana shir gudoominaya Madaxweynaha Africa John Atta Mills iyadoona ay goob joog yihiin saraakiil ka tirsan hogaanka Ciidamada AMISOM.

Somaliswiss Accra

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: