Sheikh Fuad Shongole iyo Abuu Mansuur oo la hadlay dadweynaha deegaanka Tuulo Barwaaqo ee gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Fu’aad Maxamed Khalaf  (Shongole) iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ah saraakiisha sare ee xarakada Al-Shabaab  ayaa waxay  maalmahaan ku sugnaa Deegaano ka mid ah Gobolka Geddo, waxayna shalay ka hadleen meel fagaaraha oo ay dadku isugu soo  dibadbaxeem ee ku taala tuulada Barwaaqo oo  ka tirsan Degmada Garbahaareey ee Gobolka Geddo waxay dadweynuhu ugu baaqeen inay u istaagaan dagaalkii ugu dambeeyay.

Sheikh Fu’aad Shongolle oo ka hadlay fagaarahaas wuxuu yiri: “Waa Daarood, waa Isaaq, Waa Eelaay iyo Fulaan waa dhamaatay, Muslimiintuna waa mid waana walaalo, iska dhaaf Soomaaliyee caalamku waxa uu u kala baxay Muslim iyo Gaal kala taageersan Kaniisad iyo Masaajid, marka midkaan raacayno waa cadahay”.

Sidoo kale Shongole wuxuu hadalo kul kulul ka jeediyay dibadbaxaasi, isagoo dadka Geddo ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin waxa uu ugu yeeray Jihaadka lagula jiro Gaalada iyo  kuwo taageera ee ah ku soo duulayaasha diinta Islaamka.

Sheikh Fu’aad Shongolle ayaa u sheegay bulshada Reer Geddo in wadooyinka Muqdisho lagu jiidaayay Maydadka AMISOM oo uu ku tilmaamay Kufaarta madow, islamarkaana waxa uu sheegay in kuwo nool laga qabtay, isagoo dafiray in dagaaladii Muqdisho dhabarka looga jibiyay Xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo la hadlaayay dadkii isugu soo baxay Tuulo Barwaaqo oo ka tirsan Degmada Garbahaarey ee Gobolka Geddo ayaa wuxuu dadka deegaankaas u caddeeyey in looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan Jihaadka lagula jiro Gaalada iyo Murtadiinta.

Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaa halkaan na keenay inaan Ilaahay  dartiis isku kaashano, oo aan uga hortagno kuwa naga soo weeraray Hiiraan, Baladxaawo, Doolow, Galgaduud iyo Muqdisho.” wuxuuna  waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhabarka laga jibiyay Xarakada Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu dafiray in goobo Istaartiiji ah lagala wareegay Al-Shabaab.

Hase yeeshee Abuu Mansuur wuxuu dibadbaxayaasha u sheegay inaysan jirin wax dhaxdhaxaad la yiraahdo iyo xuquuqul insaan, waayo labadaas eray  wuxuu ku tilmaamay inay isticmaalaan kuwo uu ku sheegay daba-dhilifyada.

Sidaas dartedd wuxuu si qiiro leh ku yiri abuu Mansuur “Cid aan ka yeelayno dhaxdhaxaad ayaa ka nahay colaada Soomaaliya, war xaq iyo baadil miyaa dhaxdhaxaad laga noqon karaa, halkudhiga dabadhilifka waa xabadda joojiya, xuquuqul insaanka ha la dhowro, xeerarka caalamiga hala tixgeliyo iyo hadalo kale” hase ahaatee wuxuu bulshada Reer Geddo ugu baaqay inay heegan buuxa galaan.

Somaliswiss   Galbahaaray

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: