Madaxweyne Shariif oo sheegay in howlgalkii ciidanka dowladda uusan sidii qorshaha ahaa u dhicin, balse uu guulo keenay.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta uu Saxaafadda u sheegay in dagaalkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la galeen Xarakada Al Shabaab uusan u dhicin sidii loo baahnaa.

Sheikh Shariif Sheikh oo u waramayay warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dagaaladaasi ay guulo la taaban karo ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrilka ee AMISOM.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu cadeeyay maadaama dagaaladaasi ay guulo ka gaareen, hadana aysan u dhicin dagaladaasi sidii loogu talagalay, wuxuuna sheegay in iminka ay soconayaan howlgalo balaaran oo ay ku qorshaynayaan inay magaalada Muqdisho kaga saaraan Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynauhu wuxuu xusay in Mas’uuliyiinta dowladda KMG looga baahan yahay inay booqdaan had iyo jeer aagagga  hore ee dagaalka halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee geesiyiinta ah, booqashadaas oo  dhiiri galin u ah Ciidamada.

Dhanka Sheikh Shariif wuxuu ku cel celiyay in xalka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalada Muqdisho ay tahay in Al Shabaab loo adeegsado awood Milatari si loo wiiqo cududa Milatari oo ay leeyihiin.

Ugu dambeyn hadalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa wuxuuku soo aadayaa iyadoo dagaalo qaraar oo u dhaxeeya dowladda KMG oo ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ka dhaceen Muqdisho kuwaasi oo u horseeday shacabka khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac hor leh.

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: