Hay’adda MSF England oo sheegtay in dagaaladii ugu dambeeyey ay ku waxyeeloobeen ugu yaraan 170 qof oo rayid ah.

Halkaan ka akhri

Hay’adda aan xaduuda laheyn ee MSF England ayaa waxay Warsaxaadeed ay soo sartay  ku sheegtay in tiradii ugu badneyn oo dad ah ee bishaan lagu daweeyay isbitaalada ay gacanta ku hayso ee ku yaala koofurta Soonaaliya, kuwaasoo ku waxyeweloobay dagaalada wadanka Soomaliya ka socda.

Warsaxaafadeedkaan ayaa lagu ku sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay ciidamada Midawga Africa ee AMISOM oo ay caawinayaan kuwa dawlada KMGS iyo Xarakadda Al-Shabab inay ku waxyeeloobeen in ka badan 170 ruux oo rayid ah kuwasoo la geeyay isbitaalka Dayniile oo ay hay’addu maamusho.

Hay’adda MSF England ayaa caddeeysay in dhaawacyadii la geeyay isbitaalka Dayniile ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaaladdii ka dhacay Muqdisho inay ku jiraan 27 caruur ah oo da’doodu ka hoosayso 14 sano, iyo 39 ruux oo haween ah kuwaasoo qaarkood ay xaaladooda liidato, hase ahaatee waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in 43 qof lagu sameeyay qaliino cul-culus, kuwaas oo hadda cafimaadkoodu soo fiicnaanayo.

Sidoo kale Warsaxaafadeedkan  ayaa hay’addu ka soo saartay magaalada Nairobi, waxaana lagu xusay in isbitaalka gudihiisa ku geeriyoodeen 18 qof xilli adeeg caafimaad loo hayey waxaaana warku intaa ku darayaa in shaqaalaha hay’adda ay shaqeeyaan dhawr saacadood si dad wax loogu qabto.

Sida la wada ogsoon yahay dagaaladda ka socda magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya dhinacyada isku hayo Siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa inta badan waxay waxyeelo ka soo garaan dadka maatida ah ee aan ku lugta laheyn siyaasadaha.

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: