Advertisements

Xildhibaanada Barlamaanka oo go’aan ku gaaray in Mush-haarkooda laga jaro lacag lagu caawiyo dadka ku tabaaloobay Abaaraha.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in xildhibaan kasta laga jaro boqol doolar oo wax loogu qabanayo dhibaatada heysata dadka abaaruhu ay saameeyeen.
Fadhi ay ku yeesheen xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya xarunta golaha Shacabka maanta oo uu shir gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Barlamaanka ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa waxaa looga dooday ajandayaal u badan abaaraha iyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynt ku yeesheen.
gudiga gargaarka bini’aadanimada iyo daryeelka naafada ee Barlamanka Soomaaliya ayaa wuxuu horkeenay Barlamanka Ajanda la xiriiro sidii loo gargaari lahaa dadka abaaraha ku tabaaloobay, sidaas darteed xildhibaanada Barlamaanka waxay intooda badan isku raaceen in dadka rayid ah ee abaaruhu saameyeen si deg deg ah wax loogu qabto, waxaana markii dambe xildhibaanada Barlamaanku ay isku raaceen in mush-haardkooda laga jaro boqol doolar si wax loogu qabto dadka dhibaateysan.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Barlamaanka Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa ku dhawaaqay kadib cod gacan taag ah oo xildhibaanada Barlamanka ku ansixiyaan ajandaha qodobkaasi uu yahay mid ansax ah.

Sidoo kale waxaa kulankaas intii uu socday qudbad ka jeediyay gudoomiyaha gudiga gargaarka bini’aadanimada ee Barlamanka Ibraahim Xabeeb Nuur, wuxuuna sheegay in ay jiraan waxqabad la’aan dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay in 5 qof ay baahi darteed ugu geeriyootay xalay Siligii Ameerikaanka, isagoo intaasi raaciyay in uusan wadi karin howlaha gudiga uuna ugu baaqay gudoonka Barlamanka in cid kale loo dhiibo howshaani.

Dhanka kale waxaa maanta Kulanka barlamaanku soo xaadiray xildhibaano gaarayay 285 xildhibaan, waxaana kulanka uu ku soo dhamaaday si is afgarad ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: