Advertisements

Wafdi uu hoggaaminayo u qaabilsanaha Qaramada Midoobay Arrimaha gargaarka dalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Garowe.

Halkaan ka akhri

Waxaa Saakay barqadnimadii ka degay garaanka diyaradaha magaalada Garowe Wafdi uu hoggaaminayo u qaabilsanaha QM oo arrimaha gargaarka dalka Soomaaliya Mark Bowden, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madax ka tirsan Golaha Wasiirada maamul goboleedka Puntland, iyadoo wafdiga QM kulamo kala duwan la yeeshay madax ka tirsan Puntland isla markaana ka wadahadlay arrimaha gargaarka iyo taakuleynta dadka ay ku dhufteen abaaraha ka jira gobolada uu maamulkaasi ka taliyo.

Xubnaha ka qeyb galay soo dhoweynta wafdiga QM oo ka tirsan dowladda Puntland ayaa dhinacooda wafdiga u ballan qaaday inay geyn doonaan meel kasta oo ay doonayaan inay kormeer ku tagaan, sidaas waxaa  sheegay Wasiirka Dekedaha Puntland Saciid Maxamed Ducaale, wuxuuna intaas uu ku daray in gobolada badankood ay ka dhaceen abaaro saameeyay dadka iyo duunyada isla markaana u baahan in lala gaaro gurmad samatabixin.

Mr. Mark Bowden oo ah u qaabilsanaga QM dhinaca kaalmada waddanka Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay kulanka uu la yeeshay madaxda Puntland ayaa sheegay in ujeedada imaatinkiisa ay ugu weyn tahay inuu kormeer ku tago magaalada Boosaaso, gaar ahaan xerooyinka dadka soo barakacay ay ku jiraan.

Sidoo kale Mr. Mark Bowden wuxuu sheegay inay kormeerayaan waxqabadka hay’ado wada shaqeyn kala dhaxeyso dhaqaalena ay ku siiyeen wax u qabashada dadka ay abaaruhu halakeeyeen, hase yeeshee waxaa kale oo uu sheegay in howlahaasi uu ku soo gabagabeyn doono muddo saddex maalmood oo socdaalkiisa uu ku joogo magaalada Boosaaso.

Dhanka kale ma ahan booqashada Mr. Mark Bowden tii uga horreysay uu ku imaado gobolka W/Bari ee Soomaaliya, balse tani waxay la xiriirtaa sidii QM ay wax uga qaban lahayd xaaladda abaaraha ka taagan goboladaasi, waana booqashadii labaad ee uu ku tegayo Puntland sanadkaan cusub 2011-ka.

SomaliSwiss    Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: